Dawladaha Taageera Somaliland Oo Sheegay In Doorashada Madaxtooyada Xilligeeda Lagu Qabanayo & Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay

0
418

Waxay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Biixi diyaarisay Kharashka doorashada

Nairobi (Geeska) – Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay isku diyaarinayso inay qabato doorashada Madaxtooyada sannadka soo socda ee 2022-ka.

Ma jiro War rasmiya oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku caddaysey  arrintan, balse War qoraal ah oo ka soo baxay Dawladaha reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo horumarinta Dimuqraadiyadda, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ay diyaar u yihiin in doorashada Madaxtooyada la qabto 2022-ka.

Qoraalka ay Magaalada Nairobi ka soo saareen Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ka dib kulan ay la yeesheen Wefti ka ka socda Xukuumadda Somaliland oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Qorshaynta, Maaliyadda, la Taliyaha Arrimaha Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Kenya ee Somaliland iyo Xubno ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda, ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ay ka go’an tahay in la qabto doorashada Madaxtooyada.

Waxa kale oo ay Beesha Caalamku sheegeen in Dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada sannadka dambe mar hore lagu daray Miisaaniyadda 2022-ka, sidaasi darteed ay arrintaasi soo dhaweynayaan.

Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee WADDDANI, ayaa soo dhaweeyay qoraal ay soo saareen qaar ka mid ah waddamada reer Yurub iyo Maraykanka, oo ay ku sheegeen in Xukuumadda Somaliland ay doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayso isla-markaana ay diyaarisay kharashkeeda.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay Internet-ka ku sheegay in ay soo dhawaynayaan qoraalka isla-markaana, ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan doorashada.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa qoraalkiisu u qornaa sidan “Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saaxiibada Somaliland ee beesha Caalamku. Waxaanu caddaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada Madaxtooyada ee 2022.  Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga Waddani inay u diyaar garoobaan doorashada” ayuu yidhi Khadar.

 

Geeska.net/Hargeisa Office