Mac-had Fadhigiisu Yahay Washington Oo Dawladda Maraykanka Ugu Baaqay Inuu Somaliland Aqoonsado

0
566

Muxuu Maraykanku Ka Faa’idayaa Aqoonsi Uu Siiyo Somaliland ?

Washington (Geeska) – Machadka Heritage Foundation oo ka shaqeeya dhiirri-gelinta iyo Kobcinta Danaha Siyaasadeed ee Shacabka iyo Dalka Maraykanka, ayaa dowladdiisa ugu baaqay inuu Aqoonsado Somaliland, waxaanay soo bandhigeen faa’idooyin go’aankaasi uu u leeyahay bed-qabka danaha Maraykanka ee Gobolka Geeska Afrika.

Heritage Foundation oo cilmi-baadhis ku sameeya siyaasadaha togan ee ka tarjumaya danaha guud ee Dalka Maraykanka, ayaa 19-kii bishan October oo ku beegan Salaasadii soo saaray warbixin 12 bog ka kooban oo diirradda lagu saaray muhiimadda Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland u leeyahay danaha Maraykanka ee Gobolka iyo sida aanay bani’aadamnimada ugu jirin in waddan nabdoon oo dimuqraaddi ahi u xayirnaado guul-darrada Soomaaliya taalla.

Machadka Heritage oo fadhigiisu yahay magaalada Washington isla markaana ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee saamaynta ku leh Jaan-goynta Danaha Siyaasadeed ee gudaha iyo Dibedda Maraykanka, waxa uu ugu baaqay dowladda Maraykanka inay Somaliland u aqoonsato waddan madax-bannaan si loo badbaadiyo meeqaamka hoos u sii dhacaya ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti oo la sheegay inuu u sii durkayo dhinaca dalka Shiinaha oo dabcan Saldhig Ciidan ku leh, kana hirgeliyey Mashaariic waaweyn oo uu ka mid yahay khad tareen oo isku xidha Addis Ababa iyo Jabuuti.

War-bixinta Heritage Foundation waxa lagu sheegay in Somaliland muddo 30 sanno ka badan ahayd dal Madax-bannaan oo dhaqan-galiyey shuruudaha dawladnimo ee waddan Dimuqraaddi ahi leeyahay ay xilligan mudan tahay in lagu abaalmariyo dedaalkeeda hirgelinta dimuqraadiyadda iyadoo la tixgelinayo rabitaanka shacabkeeda oo muddo rubuc qarni ka badan sugayey Aqoonsi Caalami ah.

Marka laga yimaaddo in Somaliland oo noqota waddan madax-bannaan faa’iido u leedahay bed-qabka Danaha Siyaasadeed ee Maraykanku ku leeyahay gobolka, waxaana warbixin lagu sheegay in sidoo kale Aqoonsiga Somaliland uu sii xaqiijinayo taageerada Maraykanka ee dimuqraadiyadda.

Warbixinta oo warbaahintan oo dheer, ayaa waxa lagu bilaabay, “Maraykanku waa inuu u aqoonsado Somaliland inay tahay waddan madax-bannaan. Marka xaqiiqda laga hadlayo, Somaliland Xilligan kama mid aha, umana muuqato inay ka mid noqon doonaan Soomaaliya. Xaqiiqadaas jirta oo Washington garowshiinyo ka bixisaa waxay fursad u siinaysaa inuu siyaad wax-ku-ool ah ka hirgeliyo gobol muhiim ah oo hanashadiisa loolan loogu jiro.”

“Xidhiidh xooggan oo lala yeesho Somaliland madax-bannaan, waxay xayn-daab u noqonaysaa  hoos-u-dhaca ku yimi meeqaamka Maraykanku ku leeyahay Jabuuti  oo u sii durkaysa dhinaca Shiinaha. Waxay muujin doontaa faa’idooyinka iyo Waxtarka Maraykanku siiyo dowladaha dimuqraaddiga ah ee shacabkoodu doortay, waxaanay Washington fursad u siin doontaa inay si wanaagsan u taageerto dimuqraadiyadda kobcaysa ee Somaliland,” sidaas ayaa lagu bilaabay Warbixinta oo uu Qoray Joshua Meservey oo ah khabiir ku xeel-dheer siyaasadda oo ka tirsan Machadka Heritage Foundation.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay: “Somaliland oo madax-bannaan waxay noqonaysaa saaxiibbo nabdoon oo aan halis badan ugu jirin inay la kulmaan Qul-qulatooyin khalkhal gelinaya danaha Mareykanka ee gobolka. Dadka reer Somaliland waxay mudan yihiin caddaaladda ah in la aqoonsado madaxbannaanida ay tobanaanka sanno sugayeen, waana in loo oggolaadaa inay ka fogaadaan guul-darrooyinka Koonfurta Soomaaliya ee horumarkooda hortaagan,” sidaas ayaa lagu yidhi Warbixinta

Warbixinta xambaarsan Baaqa Aqoonsiga Somaliland ee machadka Heritage Foundation u diray Dowladda Maraykanka oo aad u dheer, ayaa ka duulaysa saddex qodob oo midho-dhal la taaban karo leh, kuwaas oo kala ah Bed-qabka Danaha Maraykanka oo loolan adag kaga socdo Dalka Shiinaha oo marka laga yimaaddo inuu yahay dalka Labaad ee ugu dhaqaale badan caalamka xilligan ku hawlan isballaadhin xagga Milatariga ah, Xaqiijinta taageerada Maraykanka ee Dimuqraadiyadda iyo in Somaliland lagu abaal-mariyo hirgelinta nidaam dowladnimo oo dimuqraadiyaddu udub-dhexaad u tahay.”

Qodobbada kale ee Heritage Foundation u cuskanayso soo jeedinta ah in Somaliland loo aqoonsado Dal Madax-banaan, ayaa waxa ka mid ah inay tahay Dal Sharci ahaan Madax-banaanidiisa uga qaatay Boqotooyadii Ingiriiska, laakiin Midnimadii uu la samaystay Soomaaliya ka laabtay, markii uu ku khasaaray ee dhibaato ka soo gaadhay, sidaasi darteed marka dib loogu noqdo Shuruucda Caalamiga ah aanay jirin wax Maraykanka ka hor istaagi kara inuu qaado Tallaabo uu ku Ictiraafayo Somaliland.

War-bixinta ayaa Heritage, ayaa sidoo kale soo bandhigtay Tusaalooyin Tilmaan u noqon kara jidka uu Maraykanku u mari karo inuu Dal Madax-banaan u aqoonsado Somaliland, waxaana ka mid ah In Guddiyada Koongarayska Maraykanku dhegaystaan ahmiyadda arrintani leedahay, tan ayaa haddii ay dhacdo War-bixintu sheegtay inay kiiska Somaliland ka dhigayso mid muhiim ah, waxayna Xildhibaannada Koongarayska siinaysaa fursad ay ku deraaseeyaan waxyaabaha uu Maraykanku ka faa’iidi karo Aqoonsi uu siiyo Somaliland.

Waxa kale oo Heritage Foundation uu War-bixintiisa ku soo jeediyey in Xildhibaanno ka mid ah Koongarayska Maraykanku u safraan Somaliland, taasi oo ka caawin karta inay fahmaan Ahmiyadda dhuleed ee Somaliland leedahay iyo dhibaatooyin haddii ay jiraan.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in Xildhibaannada Koongaraysku safarkooda Somaliland ka dib, ay soo jeediyaan Qaraar khuseeya in Somaliland loo aqoonsado Dal Madax-banaan, taasi oo abuuraysa dareen iyo awood ay Dawladda dhexe ee Maraykanku ku abuurto Hay’ad sida Koongarayska u taageerta arrintan, taasi oo Mustaqbalka heli karta sababo kale oo lagu aqoonsado Somaliland.

Waxa kale oo ay War-bixintu soo jeedisay, Aqoonsiga ka hor, in Mareykanku uu abuuro qorshe lagu dhisay xidhiidh Faa’iido leh oo Maraykanku la yeesho Somaliland, Cidda xidhiidhkaa abuuraysana ay ku jiraan Wakiillo a socda Dawladda iyo Hay’ado Madax-banaan oo leh khibrad arrintan la xidhiidha, kuwaas oo abuuri doona talooyin wax ku ool ah oo la taaban karo, si loogu dhiirrigeliyo in shirkadaha Mareykanku maalgashadaan Somaliland; in Somaliland laga caawiyo hagaajinta jewiga Ganacsi,  abaabulka taageerada qurbajoogta Somaliland ee Maraykanka iyo in si diblumaasiyadeed loo taageero Somaliland iyo in la bixiyo Talooyin ah in Maraykanku uu Taageero waxtar leh siiyo Somaliland.

Waxa kale oo lagu sheegay War-bixinta isla-markaana ay soo jeedisay in intaa ka dib, uu Maraykanku ka shaqeeyo sidii Dalalka Afrika u qaadi lahaayeen Tallaabo taasi la mid ah, taasi oo keeni karta inay dalalkaasi xidhiidh la samaystaan Hargeysa.

Ugu dambayn, Waxa kale oo War-bixinta Machadka Heritage Foundation soo jeedisay in aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland uu diyaar u ahaado sidii uu uga shaqayn lahaa Xorriyadda Hadalka, inuu dhiirigeliyo in la suuliyo Xadhigga siyaasadeed iyo in meesha laga saaro sinnaan la’aanta Beelaha, sida Beelaha la Hayb-sooco, Tallaabooyinkaasi oo abuuraya ama dhiirigelinaya in dunidu aqoonsato Somaliland.

 

 Geeska.net/Hargeisa Office