Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Maamul-Wanaaga

0
532

 

golah wakiiladaHargaysa( Geeska )-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa meel mariyey wax ka badal ay golaha guurtidu ku sameeyeen xeerk aas-aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagalanka musuqmaasuqa.

 

fadhigii golaha wakiilada ee Somaliland waxa shir gudoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana loogu codeeyay xeerka komishanka maamul wanaaga oo golaha guurtidu wax ka bedel ay ku soo sameeyeen, iyadoo golaha wakiiladu ku raacay guurtida dhamaan qodobadii ay wax ka soo badaleen.

Waxaana cod ku ogolaaday in la ansixiyo wax ka bedelka uu golaha guurtidu ku soo samaysay xeerkan 41 xildhibaan waxaana ka aamusay 2 xildhibaan cid diidayna may jirin gudoomiyahuna muu codayn, xeerkaasina sidaa ayaa ku ansaxay.

ka dibna gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiramxaan Ciro wax auu ku war galiyay  xildhibaanada in maanta golaha la horkeeni doono masuuliyiin qaran oo madaxweynuhu uu u soo gudbiyay golaha wakiilada si loo ansixiyo.