Suugaantu Waa Awood Kobcisa Rajada Iyo Yidiidilada Bulshooyinka

0
552

 

Nayroobi (Geeska)-Qoraaga, abwaanada ka soo jeeda wadamada Geeska Afrika ayaa dood ku saabsan sida suugaantu qeyb uga qaadan karto dib-u-dhiska bulshada ku yeeshay machadka  Goethe Institute ee magaalad Nairobi, Kenya.

Kulankaa oo dhawaan ku qabsoomay Kenya, ayey ka soo qeybgaleen dad ka soo jeeday wadamada Eritrea, Djibouti, Ethiopia, Somaliland iyo Somalia.

Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo ka hadlay ayaa sheegay in suugaanta Soomaalidu, gaar ahaan gabayadu taariikh dheer leedahay, isla markaana dhinaca qoraalka ku kala duwan yihiin, sida basbaasku u sameeyo dhadhano kala duwan, siyaalo kala duwana waa loo adegsadaa.

Hadraawi ayaa sheegay in suugaanta iyo gabayada Soomaalida saamayn badan ku leeyahiin kacdoonada, khilaafyada, dagaalada, laakiin sidoo kale loo adeegsan karo nabadgelyadda. “Hadii qof dembi galo, waxa lagu xidhaa geed, ka dibna, odeyaasha ayaa gabayo gefkiisa ugu sheegayaan u tiriya, waxaanay gaadhsiiyaan heer ninki gardarnaa aqbalaad keeno.”

Waxuu sheegay in dhinac kastoo nolosha ka mid ah sida dhalashada, guurka, geerida, xilli robaadka, gabayada iyo suugaantu qeyb weyn ku leeyahiin, “La’aantoodna, dib-u-dhiska bulshadu way adag tahay.”

Ayan Maxamuud Cashuur , oo ah agaasimaha ururka KEYD, ayaa sheegtay in badi xaaladaha shacabka Somaliland la kulmaan tahay xaga fikirka, taasina wax weyn ka bedeli karaan abwaanadu.

Ayaan, ayaa sheegtay in bulshada dib-u-dhis lagu samayn karo hadii goobo banana loo helo muuqaalada, oo kala duwanaanshaha mujin kara, balse, kala duwanaansho la’aantu waa mushkilad.

Qoraaga caanka ah  Saciid Jaamac Xuseen ayaa soo jeediyey muhiimad ay leedahay dib-u-dhiska bulshooyinka Geeska Afrika, oo laga suulinn Karin taariikhahii burburka.

Huseen ayaa sheegay in markii wadamadaasi xornimada qaateen la kulmeen afgembi milateri. Noloshii, yididiiladii kuwii xornimada u dagaalamay ayaa burburtay.

Markaa, muhiimada ugu weyn waa dib-u-dhiska bulshada oo fikirkooda la kobciyo, si markaa qof walba ugu sahlanaato inuu qeybtiisa ku kordhiyo bulshada baqdin la’aan.

Suugaantu waa awood kobbcisa rajooyinka iyo yididiilada, taasoo la’aantood aan horumarka la gaadhi Karin.