“Wakhtigii Towrada, Xukuumadduna Yaanay Xoriyatul Qawlka Meel Kaga Dhicin”

25
3601

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee Xukuumadda ee wasiirka warfaafintu sheegay ee ah in Masuuliyiinta Qaranku aanay u warami karin Warbaahinta gaarka ah, oo Warbaahinta Dawladduun wareysiyo siin karaan, waxaanu sheegay in qorshahani yahay mid aan haboonayn oo sinaba suurtagal ku noqon karin.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Warbaahinta gaarka ahi ay qayb libaax leh ka qaadato horumarka dalka, iyo tabinta wararka waxtarka u leh Bulshada, waxaanu ugu horeyn yidhi“Dhammaan Warbaahinta dalkeenu umaddu wey wada leedahay, waana u dhex, laakiin haddii maanta ay Xukuumaddu kala xigtaysto Warbaahinta, waa sidii Tawradii oo suurtagali mayso, xoriyatul qawalkuna waa fasax, laakiin haddii la yidhaahdo Masuuliyiinta Xukuumaddu waxay ku koobnaanayaan warbaahinta dawladda, waa ceeb, ee wakhtigii Tawrada lama jooga, dal Dimuqraadiyana  weynu nahay, ee Xukuumaddu yaanay xoriyatul qawalka meel kaga dhicin, oo yaanay Xukuumaddu warbaahinteeda oo qudha isku koobin, sinaba uga maarmi maayso warbaahinta kala ee dalka”

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, mar uu ka hadlaayey Warbaahinta gaarka ah ayaa yidhi “Warbaahinta gaarka ah waanu ogeyn sida wadaniyada iyo wanaagu ku jiro ee ay u tabinayeen

Doorashooyinkii,qayb libaax lehna wey ka qaatan horumarka dalka iyo in mar walba ay tabiyaan warar dalka faa’iidooyin iyo waxtar ugu jiraan, markaas Xukuumadda ayey meel  dhac iyo khalad ku tahay inay iska takoortu  Warbaahinta gaar ah, faa’iidana ka heli mayso”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here