Dab Iyo Cadho

27
3839

Guriga Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 5aad)

Imika, si kasta ha uga gawsqabsado e’, Ailes waa uu fahansanaa in ugu yaraan waqtigan la joogo, uu xiddiga, garabka midigta ee xisbiga jamhuurigu saaran yahay Bennon.

Talefishanka Fox News ee Ailes ka tirsanaan jiray, oo sannad kasta soo saara faa’ido dhan hal iyo badh Bilyan oo doolar, ayaa muddo labaatan sano ah haystay siyaasadda xisbiga Jamhuuriga, laakiin imika, shabakadda wararka ee Breitbart News, oo faa’iidadeeda yari gaadho sannadkii hal iyo badh Milyan oo doolar, ayaa qabsatay kaalintaas.

Ailes oo illaa beri dhoweyd ahaa ruuxa ugu awoodda badan siyaasadaha muxaafadka, ayaa muddo soddon sano ah, garabsiinayey dulqaadna u lahaa Donald Trump, laakiin ugu dambayntii Bannon iyo shabakaddiisa Breitbart ayaa kala wareegay oo iyagu noqday kuwa doortay Trump. Lix bilood ka hor, oo weli guul uu Trump ka gaadho madaxtinimada Maraykanku ay u muuqatay wax aan run noqon karin, ayaa Ailes oo lagu eedeeyey in uu ku kacay tacaddi dhinaca jinsiga ah, laga eryey talefishankii Fox News. Waxa ay ahayd tallaabo shirqool oo ay soo farsameeyeen wiilasha aragtida liberaalka ah aaminsan ee uu dhalay odayga 85 jirka ah ee Robert Murdoch oo ah mulkiilaha talefishanka, kana tirsan garabka muxaafadiinta loo yaqaanno ee xisbiga Jamhuuriga. Murdoch Waxa uu Fox News ka yahay saamile isla markaana gacanta ku haya maamulka. Waa mulkiilaha warbaahineed ee ugu awoodda badan, taariikhda imika ee dunida. Dhicitaanka uu Ailes dhacay, (Shaqada laga eryey) waxaa u damaashaaday kooxaha aragtidoodu liberaalka tahay ee xisbiga Jamhuuriga, oo ku faraxsan in uu dhacay ruux ay u arkayeen, masiibadii ugu weynayd casrigan ee soo marta siyaasadda muxaafadka. Saddex bilood kaddib eriga Ailes, ayaa madaxweyne loo doortay Trump oo in badan lagu eedayn jiray ruux aan sharaf lahayn oo dabeecadihiisu aanay caadi ahayn.

***

Ailes waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu jeclaa Trump waxaa ka mid ah; xirfaddiisa iibka, kartidiisa majaajleynta iyo xan badnaanta. Waxa uu u riyaaqsanaa dareenka dheer ee uu Trump u leeyahay suuqa baayacmushtarka – ama ugu yaraan, isku dayadiisa aan daalka iyo niyadjabka aqoon ee uu ku raadiyo in uu mar kasta isagu noqdo qofka guushu raacday. Waxa uu jeclaa ciyaaraha Trump. Waxa uu jeclaa saamaynta Trump iyo xishood la’aantiisa.

“Waa uu socdaa uun,” ayaa uu Ailes mar ku yidhi nin ay saaxiib yihiin, isaga oo u jeeday Trump oo uu la yaabbanaa indho adaygiisa aanu ku joogsanayn wax kasta oo ku dhaca. Waxa ay ahayd markii dooddii ugu horreysay ee tartanka doorashada madaxtnimada uu la galay Hillary Clinton, isaga oo sii wada hadalkiisana waxa uu Ailes yidhi, “Donald madaxa ayaa aad ku dhufanaysaa, markaasuu iska sii soconayaa. Xitaa ma’ ogaanayo in madaxa jugi ka gaadhay” Laakiin Ailes waxa uu ku qanacsanaa in Trump aanu lahayn aaminsanaan iyo tiirar siyaasadeed oo u gaar ah.

Xaqiiqada ah in Trump uu ugu dambayntii noqday shakhsi ay Fox news cadhadiisa ka midaysan tahay, ayaa ah calaamad kale oo ina tusaysa in aynu ku noolnahay duni madaxeedii minjo laga dhigay.

Illaa imika, Ailes muddo tobannaan sano ah ayaa uu la socday xaalka siyaasiyiinta. Waqtiga dheer ee uu shaqada warbaahinta ku jirayna waxa uu u soo joogay nooc kasta iyo qaab kasta oo uu siyaasigu leeyahay, mid fiican iyo mid xunba, mid ku dhac leh iyo mid fulay ahba. Dadkii sidiisa u soo hawlgeli jiray, imikana sida Bannon ahi waxa ay la soo shaqeeyeen nooc kasta. Waana kaas, (Isku shaqadaas ay yihiin) xidhiidhka ugu dambaynta ka dhexeya ee isku xidhaya Ailes iyo Bannon.

Hore waxa ay u ahaan jirtay in siyaasiyiintu ay nidaam ahaan noqdaan ragga safka hore ka muuqanaya, ee buslhasada la tusayo. Hawlwadeennaduna waxa ay ahayeen kuwo garanaya ciyaarta, ee iyagu qorsheynaya, sidaas ayaana uu ahaa nidaamka ay soo mareen inta badan ee murashaxiinta iyo masuuliyiinta xafiisyada dawladda ee doorashada ku yimaadda soo maray. Laakiin Ailes waxa uu si fiican u hubay, in Trump aanu habkaas marin. Trump waxa uu ahaa ruux aan baratakool dhowrin, wax awood ahna uma uu lahayn nooc kasta oo ah qorshaynta hawlaha. Urur iyo nidaam keliya qayb kama uu noqon karayn, xitaa lagama filayn in uu qayb ka noqdo barnaamij uun ama mabda’. Marka la eego aragtida Ailes, Trump waxa uu ahaa, “Fallaago aan sabab lahayn” Waxa uu ahaa uun “Donald” – Intaas ka badan in laga yidhaahdo loomaba baahna.

Horraantii bishii Ogos, oo bil wax ka yar laga joogo, markii Ailes laga eryey Fox News, ayaa uu Trump oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, ka codsaday in uu  la wareego maamulidda ol’olihiisa afka goostay. Ailes, oo yaqaannay dhego adayga Trump iyo in talo uu qaato daa e’ in aanu xitaa dhegeysan, ayaa xilkaas iska diiday. Laakiin toddobaad kadib waxaa shaqadan qaatay Bannon.

Markii uu Trump ku guulaystay madaxweynenimada, Ailes waxa uu u muuqday in uu isku qoomameeyey diidmadii shaqada uu Trump u soo jeediyey, isaga oo isu arkay in uu dayacay fursaddii u dambaysay ee soo martay, oo ahayd in uu maamul ol’olaha saaxiibkii.

In Trump uu awoodda yimaaddo, waxa uu Ailes u fahmay, in ay tahay guul lama filaan ah oo ku timid sababta waxyaabo badan oo isaga iyo Fox News ay u taagnaayeen. Waxaas oo dhan kaddib, Ailes waxaa laga yaabaa in uu ahaa qofka lahaa masuuliyadda ugu weyn ee hoggaanka u sii deysay cadhada sababta u ahayd guusha Trump (Xisbiga dhexdiisa): waxa uu abuuray, warbaahinta Garabka-midigta ee ku faraxsanayd shakhsiyadda Trump. La soco………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here