Wajigii Labaad Ee Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa Oo Dib Loo Bilaabay

0
532

Picture3Hargeysa(Geeska)-Gudida gacanta ku haysa dhismaha wadada Hargeysa iyo Baligubadle ayaa shalay bilaabay wejigii labaad ee dhismaha wadadaas.

Guddiga oo ka hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen toban killo mitir oo cabirka dhismaha wadaasi ka dhigaya 15 Km.

Waxa ay ugu baaqeen shacabka Somaliland iyo qurbe jooga u dhashay Baligubadle iyo Hargeysa in ay gacan laxaad leh ka geystaan dhamaystirka wadadaasi.

Ugu horeyn waxa halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay Sheekh Mubaarak Muuse oo ka mid ah gudida wadada Baligubadle, waxaana uu yidhi “Waxa Maanta bilaabmay wajigii labaad ee wadada Baligubadle-Hargeysa kaas oo socday intii ay ramadaan bilatay, wajigan cusub ayaa runtii dardarkiisa iyo hawshiisaba iska wata, waxaanan rajaynaynaa insha allaahu in uu si fiican oo guul ah ku dhamaado.

Waxa uu wajigan labaad noqonayaa Toban Kiiloo Mitir oo halka ay wadadu ka soo bilaabanto aanu kaga dari doono ilaa laba Kiilo mitir iyo Sideed xaga hore ee Habaas Weyn ah, waxa aan rajanaynaa in sidii looga qayb qaadan jiray insha allaah looga wada qayb qaato.

Waxa aan ilaahay uga baryaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay iyo cid kasta oo jecel in ay ka qayb galaanba in uu miisaanka xasanaadka u saaro” ayuu yidhi Sheekh Mubaarak Muuse.

Eng. Maxamed Muuse Oo isaguna ka mid ah Gudida Dhismaha Wadadaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Sidaas uu sheikh Mubaarak sheegay waxa bilaabantay Wajigii labaad ee dhismaha wadada Baligubadle iyo hargeysa isku xidhaysa, taas oo laba qaybood kala ah.

Qabybtan oo ilaa Habaas Weyn ah iyo qaybta labaad oo Inagu xidhaysa wadada Hargeysa.

Runtii sidii tii horeba looga qayb qaatay baanu doonaynaa in qaybtana looga wada qayb qaato, intii horena shicib iyo dawladba cidii ka qayb qaadatay waanu u hambalyaynaynaa, waxaanan ka rajaynaynaa in inta dhimana sidaas oo kale looga wada qayb qaato waliba bishan barakaysan oo uu khayrku laban laabmayo ayaanu jecelahay in laga soo wada qayb galo” ayuu yidhi.

Cismaan Cilmi Kediye oo ka mid ah qurbe Jooga Ka soo jeeda Gobolka Hawd oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay guddida dhismaha wadada Baligubadle dedaalka ay la yimaadeen.

Waxa uu fariin u diray guud ahaanba qurbe jooga hayb ahaan ka soo jeeda Gobolada Hawd iyo Maroodi jeex oo uu xusay in ay amaan iyo Bogaadin ku leeyihiin doorka ay ka qaataan horumarka isla markaana looga baahan yahay in ay sidii oo kale uga qayb galaan dhismaha wajiga labaad ee wadada baligubadle, waxaana uu yidhi “Waxa aan marka hore bogadin u dirayaa gudida dhismaha wadada Baligubadle oo uu wajigii hore ee dhismaha wadadu ugu soo dhamaaday si qurux badan, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu kan labaadna nabad qab ugu dhamaystiro.

Mar labaad waxa aan halkan uga ducaynayaa cid kasta oo ka soo qayb gashay wajigii koowaad, hadii ay xukuumad iyo shacaba tahay, waxaanan leeyahay miisaanka xasanaadka allah ha idiin saaro.

Waxa aan leeyahay qurbe jooga waad aragtaan waxa la dhisay iyo inta hadhay labadaba, sidaas gudidu idiin sheegtay waxa la idiinka baahan yahay in sidii caadada idiin ahayd aad uga soo qayb gashaan dhismaha wadadaas, laga bilaabo maantana qolo waliba halkeeda ha iska xil saarto sidii ay gacan uga geysan lahayd” ayuu yidhi Cismaan.

Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed oo isna halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay, kana mid ah gudida dhismaha wadada Baligubadle ayaa yidhi “Waxa hada socda Caro tuulka dhismaha wadada Baligabadle iyo Hargeysa qaybteedii labaad, waxaanan runtii rajaynaynaa in hadii uu alle idmo in ay si dhakhso ah noogu dhamaan doonto taas oo aanu filayno in ay gaadhi doonto Tuulada Habaas Weyn.

Waxa aan u sheegaynaa dadka gudo iyo dibadba, cid kasta oo danaynaysa in ay wadadan wax ku darsato in ay wadooyinku yihiin sadaqo soconaysa taas oo waliba ku beegantay Bisha barakaysan ee Ramadaan oo uu fadligeedu aad u sii weyn yahay.

Sadaqadana nafteena ayaa u baahan, hadii aad wax bixisona ha odhan maantaan wax bixiyay ee waa in aad berina bixisaa” ayuu yidhi.

Eng. Maxamed Cabdi ayaa isna yidhi “Waxa aan u mahad celinayaa shacabkii ka qayb galay iyo waliba xukuumada waxaanan leeyahay waa la idiin og yahay wixii aad bixiseen, aadna waanu idiinku mahad celinaynaa.

Runtiina waxa aanu aad ugu faraxsanahay in ay maanta soo dhamaatay wajigii koowaad ee ay isku darsadeen qurbe jooga iyo qolqol joogu, waxaana iminka bilaabantay qaybtii labaad, waxaanan leeyahay aynu fadhiga uga kacno sidii aynu u soo dhamaystiri lahayn” ayuu yidhi.

Gabogabadiina Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo isna halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay ayaa yidhi “Sidaas hore loo soo sheegay waxa aanu Bilawnay wajigii labaad ee dhismaha wadada baligubadle iyo Hargeysa, waxaanan uga mahad celinayaa dadka intii lacagta bixisay iyo waliba xukuumada, waxaanan ugu baaqayaa qurbe jooga ka soo jeeda Gobolka Hawd in ay sidii oo kale fadhiga uga kacaan isla markaana uga qayb galaan dhismaha wadada.

Haddii alle idmo waxa aan tagi doona Sacuudi Arabia, waxaanan leeyahay cidii ay wax ku dhiman yihiin iyo kuwa jecel in ay ka qayb galaan dhismaha wadadaba sii diyaar garooba” ayuu yidhi.