Waftiga Somaliland Ee Tukriga Oo Dhex Fadhiistay Shirkii Syaasadda Ee Ay Hore U Sheegeen In Aanay Ka Qayb Geli Doonin

0
554

tarkiIstanbul(Geeska)-Weftigii xukuumadda Somaliland ka socday ayaa shalay ka qayb galay wejigii siyaasadda ee shirkii labada maalmood qaatay ee ka socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, oo ay hore dawladu u sheegtay inaanay ka qayb geli doonin maadaama oo uu ku saabsanyahay arrimaha siyaasadda iyo road map-ka ee dalka Somaliya.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqjijiyay in saddexda wasiir ee Somaliland ka socday ay shalay ka qayb galeen qaybta siyaasadda ee Shirka Turkiga oo shalay furmay ka dib markii uu khamiistii furmay qaybtii horumarka iyo dhaqaalaha ee shirkaasi. Warku wuxuu sheegay inay weftiga Somaliland fadhiisteen miis gaar ah iyadoo koox kasta oo ka socda Somaliduna sidooda fadhiyeen miis gaar u ah, lamana garanayo sababta keentay inay ka qayb galaan qaybta siyaasadda ee shirkaas oo ay hore u sheegeen inaanay ka qayb geli doonin maadaama oo uu khuseeyo dalka Somaliya iyo nabadayntiisa. Sidoo kale waxa ay weftigu ka qayb galeen qaybtii furitaanka ee shirkii khamiistii, laakiin kama ay qayb gelin kulan doceedyadii shirka ka dib oo ahaa qaybta ugu muhiimsan ee shirkaas oo lagaga hadlayay horumarka iyo dhaqaalaha, waxaanay wararku sheegeen in ka qayb gal la’aantoodu la xidhiidho ka dib markii ay dawladda Turkigu go’aansatay inay shir doceedyadaas guddoomiyaan wasiirada dawladda Sheekh Shariif.

 

Weftiga Somaliland ayaa u muuqda inay qorshe la’aan ku tageen shirkaas Turkigu soo qaban qaabiyay., halka ay maamulada Puntland iyo Galmudug ee Somaliya ku guulaysteen in loo fuliyo shuruudo ay ku xidheen qayb galka shirkaas oo ay ugu horeeyeen in ergo ka socota gobaladooda diyaarado gaar ah lagaga qaado Magaalooyinka Galkacyo iyo Garowe taas oo loo fuliyay, halka Somalilandna dal ku galkii loo diiday wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta oo marka loo eego qodobada lagaga hadlayay wejiga koowaad ee shirkaas u ahaa halbowle.

 

War-murtiyeedka xalay laga soo saaray gunaanadkii shirkaas, ayaa wuxuu aad uga duwanyahay kii Ingiriiska, waxaana warmurtiyeedkan ku jira qodob sheegaya in la ilaaliyo waxa loogu yeedho midnimada iyo madaxbanaanida Somaliya oo aan lagu darin shirkii Ingiriiska. Inkastoo war-murtiyeedka lagu soo daray qodob sheegaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, haddana nuxur ahaan wuu ka duwanyahay qodobkii ku jiray shirkii Ingiriiska oo dhigayay inay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadlaan nooca uu noqonayo xidhiidhka mustaqbal ee labada dal.

 

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa si weyn u dhaliilay siyaasadda ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaga qayb gashay shirkaas oo ay dad badani u arkaan inay hoos u dhigtay meeqaamkii Somaliland, ka dib markii aanay hal erey ka jeedin kulamadaas laakiin ay dhagaysteen khudbadihii madaxda dawladda Sheekh Shariif oo tiiqtiiqsi ahaa.

 

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Axadii toddobaadkii la soo dhaafay baahiyay ajandaha shirkaas oo uu ku sheegay inaanay meeli uga banaanayn Somaliland, waxaanu madaxda Somaliland uga digay inay shirkaas ka noqdaan dhagaystayaal dhegta u raaraaciya khudbadaha tiiqtiiqsiga ah ee madaxda dawladda KMG ah taas oo si rasmi ah u dhacda. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo qorshaha ay shirkagan kaga qayb galeen ayaanay u suurtogelin.

Geesta kale dawladda Turkiga ayaa cadaysay ujeedada koowaad ee ay ka leedahay shirka labada maalmood qaatay ee ay dalkeeda ugu qabatay Somalida, kaas oo shalay si rasmi ah loo soo gunaanaday.

Shirkaas iyo qorshayaashiisa fog ayaa waxa faahfaahin ka bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Axmed Davutoglu oo qoraal dheer oo uu ku qoray Wargeyska hurriyetdaily ciwaan uga dhigay ‘Waa waajib midnimada Somaliya.”

 

Qoraalka Wasiirka oo aad u dheeraa, wuxuu sheegay in qodobka koowaad ee dawladda Turkiga horyaalay markii ay ajandaha shirkan qorshaynaysay uu ahaa dhismaha midnimada Somaliya iyo weliba afar qodob oo kale oo dhammaantood la xidhiidha dib u dhiska Somaliya.“Markii aanu qorshaynay mustaqbalka Somaliya, waxa na horyaalay shan mawduuc. Qodobka koowaad waa dib u dhiska midnimo qaran, taas oo shardi u ah xasilooni iyo in dalka dib loo dhiso.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu.