Hargeysa: Qoraa Buugiisu Muran Abuuray Oo Xabsiga Ku Jira

1
596

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa habeenimadii Jimcihii xabsiga u taxaabay agaasimihii hay’adda wadaniga ah ee Candlelight Mr. Axmed Ibrahim Cawaale, ka dib markii buug uu qoray uu abuuray dareen xaasaasi ah.

Mr. Axmed, ayaa wuxuu dhawaan soo saaray buug magaciisu yahay Dirkii Sacmaallada oo uu qaybo ka mid ah ku soo qaatay isirka beelo ka mid ah Somalida oo ay ku jiraan kuwo reer Somaliland ahi, taas oo abuurtay dareen xaasaasi ah oo bulshada dhexdeeda ah. Buugan oo ay hadal hayntiisu maalmihii ugu dambeeyay ku soo badatay magaalada Hargeysa, ayaa waxa markii uu dareenka xaasaasiga ahi soo batay uu qoraagu ka ururiyay goobihii loogu tallo galay in lagu iibiyo.

Axmed Ibrahim Cawaale, ayaa wuxuu ku xidhanyahay xarunta baadhista dambiyada ee CID-da, hay’adaha ammaankuna way ka gaabsadeen inay ka hadlaan xadhigiisa.

Buugan, waxa uu hore qoraagu ugu soo bandhigay dalal ka tirsan qaaradda Yurub, gaar ahaan wadanka Norway.

Comments are closed.