Waddani Oo Taagan Inaanay Doorashada Galayn Haddii Aan Komishanka La Bedelin Iyo Jawaabaha KULMIYE Iyo UCID

37
4525

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aanu doorashada golaha wakiilada ka qayb geli doonin hadaan la badalin komishanka doorashooyinka, halka xisbiga Kulmiye oo u jawaabay uu sheegay in aan laysu joojinaan, dhanka kalena xisbiga Ucid uu ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu galo doorashada 2019-ka.

Xisbiga Waddani ayaa ku doodaya in aanu ku kalsoonayn komishanka dorashooyinka, halka xisbiga Kulmiye uu isaguna xooga saarayo in doorashadu ay wakhtigeedii dhacdo xisbiyaduna ay ka wada hadlaan saami qaybsiga kuraasta wakiilada oo ah arin loo baahan yahay.

Dood saddexda xisbi uu u qabtay tilifishank Eryal oo wax yar uun laga sii daayay, waxa ugu horayntii halkaas ka hadlay siyaasi Cabdilaahi Maxamed Axmed Daamur oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani “Dalka ka dhici mayso doorasho Waddani ka maqan yahay, komishankanina maaha mid xaqsoor noo noqonaaya, anaga ayaa diidnay, waa xeer beegti nimankani, dhaqanka Soomaalida ee caadiga ah hadaad tidhaahdo iigali maayaan xeerbeegti waa lagaa badalayaa,qoolay qoor qabad biyo kuma cabto, anaguna doorashada qoor qabad ku gali mayno, doorasho waxaanu ku galaynaa sidii Kulmiye ku gali jiray, waxaanu ku galaynaa marka nalaga badalo ee la soo fadhiisto ee nala maqlo, Kulmiyena taas ayuu ahaa, maantana taas ayaanu taaganahay.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaacil Cige ( Shabeel) ayaa dhankiisa ka sheegay  “Qasab doorashada waa in la qabto bisha saddexaad ee 2019-ka, xukuumadan waa ay ka go’antahay in la qabto, sabab kasta oo jirta, xildhibaanadu ma sii fadhiyayaan meesha waa in 2019-ka baarlamaan cusubi uu meesha yimaadaa oo aanu kani sii fadhiyin. Reer Waddani waxaanu leenahay waxa inoo taala arin culus oo doorashada baalamaanku ay tahay tii ay ku dhacaysay oo ah arintii saami qaybsiga oo hadalkeeduna meel wanaagsan inoo maraayay waxaan leeyahay taas aynu ku jeedsano.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid Maxamuud Cali Muuse (Jiir) ayaa sheegay in xisbigoodu uu diyaar u yahay in doorashada 2019 ay ka qaybqaataan”Doorashada in la qabtaa waa waajib,anigu xisbi mucaarad ah ayaan ahay oo dhinacna kama ihi Waddani dhinacna kama ihi Kulmiye laakiin sida ay wax u jiraan baan u sheegayaa, xisbiga Waddani waxaan leeyahay doorasho baarlamaan wali maydaan galin waxaad gasheen mid deegaan iyo mid madaxweyne, xubnaa meesha idiin joogaana waa kuwo aydaan hore u lahayn idinka oo xisbigii Ucid ayay wada yihiin ilaa guddoomiyihiina, xubnahayagii ayaa meesha idiin jooga ee doorasho baarlamaan gala.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here