Diblomaasigu Basaas Ma Noqdaa?

51
4040

 

Warbixin

Theresa May, ra’isal wasaaraha Ingiriisku, waxay sheegtay in Britain laga eryay 23 dublamaasi oo Ruush ah oo ahaa “saraakiil nabad sugidda ka tirsan”. Si kale hadii loo dhigana waxay u jeedaa in ay yihiin “basaasiin”.

Waa suurto gal in tallaabadaasi u qaadan waa ku noqoto qof kasta oo u haystay in shuruudaha dublamaasi fiican lagu noqdaa yihiin gacan qaad dabacsan oo dhoola cadayni la socoto iyo kartida qofku dhawr af oo kala duwan cabbitaan ku dalban karo.

Hadaba, maxaa kala sooca dublamaasiyadda rasmiga ah iyo dhooqada basaasnimada?

Professor Anthony Glees oo ah agaasimaha xarunta daraasaadka nabad gelyada iyo nabad sugidda ee jaamacadda Buckingham ayaa yidhi “safaarad kasta oo dunida ku taal waxa ka shaqeeya basaasiin”. Maadama oo dal kastaana basaasiin leeyahay waxa jira ayuu yidhi “xeerar aan qorrayn oo la isla qaatay” oo dhigaya in dawladuhu “isha ka laliyaan” basaasiinta ka hawl gala safaaradaha.

Laakiin is fahamkaasi waxa uu shaqeeyaa oo keliya inta aan falal sharci darro ah oo cad faraha lala galin. Waana “sababta sumaynta Sergei Skripal iyo inantiisu mashkiladda u noqotay” ayuu yidhi Proffessor Glees.

Dabcan shaqaalaha safaaradaha oo dhami hadimo kuma foogna. Dublamaasiyiinta runta ahi waxay ururiyaan xog iyagoo maraya habab sharci ah oo aan ka weecanayn xeerka uu dhigayo Axdiga Vienna ee dublomaasiyadda ee la saxeexay sanadkii 1961-kii.

Shaqada dublamaasiyiintu waa saddex qaybood, waa sida ay u qeexday dawladda Ingiriiskuye, oo kala ah:

Siyaasadda: la socodka sisaasadda dalkaa ay safaaraddu ku taal iyo ilaalinta danaha dawladda Ingiriiska ee wadankaa iyo warbaahintiisa ba.

Ganacsiga: gacan siinta shirkadaha Ingiriiska si ay uga ganacsadaan dalka dibaddiisa iyo in ay dhiirri geliyaan maal gashiga Ingiriiska.

Qunsuliyad: Taakulaynta muwaadiniinta Ingiriiska ah ee dalalka qalaad jooga iyo bixinta ruqsadaha dal ku galka ah ee dadka qalaad soo codsadaan.

“Way jiraan dublamaasiyiin run ahi” ayuu yidhi Proffessor Glees. Waxaanu intaa ku daray “laakiin waxa jira dad dublomaasiyiin shaqadooda lagu sheego, hase yeeshee shaqadooda rasmiga ahi tahay in ay yihiin saraakiil nabad sugidda ka tirsan, waana wax dal kastaa sameeyo”.

Waa saraakiishaa nabad sugidda ee dublamaasiyiinta lagu sheego kuwa u xil saaran basaasnimadu.

“Basaasiinta rasmiga ah ee xogta soo ururiyaa waa wakiillo lacag lagu siiyo, ama kuwo siro laga hayo, amaba qaar iyagu ka duulaya aragti aydhiyoolajiyadeed oon cidi qasbayn. Saraakiisha safaaradaha ka shaqeeyaa iyagu waxay u xil saaranyihiin uun in ay la shaqeeyaan oo kuwaa amarrada siiyaan, laakiin iyagu faraha lama galaan arimahaa sharci darrada ah.” ayuu yidhi Professor Glees.

Hadalkaa Professor-ka ayaa hadaba dib inoogu celinaya in aan wax iska waydiino dublamaasiyiintii Ruushka ahaa ee Britain laga eryay iyo kuwii wadama kale eryeen.

Theressa May hadalkeeda way caddaysay oo waxay sheegtay in ah ahaayeen basaasiin, waana sababta loo rumaysan karo in tallaabadaasi dhaawac gaadhsiin karto Ruushka.

“Mar kasta waa la i waydiiyaa, mar haddii la eryay Ingiriisku ma ka badbaadayaa basaasiddii” ayuu yidhi Professor Glees, waxaanu kaga jawaabay waydiimahaa oo yidhi “haa, shaki igama jiro midhkaa. Waa dhirbaaxo wayn oo ku dhacday hawlihii basaasnimada Ruushka. Laakiin weli waxa hawlihii halkoodii ka sii wadaya basaasiintii ay gudaha ka qorteen oo sirta ay ururiyeen la sugaya cid kale oo ay u tabiyaan iyagana hawl gelisa, ilayn iyagiina lama qab qabane”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here