WADDANI Oo Magacaabay Guddiga Kala Xulista Musharraxiinta Uga Qayb-galaya Doorashada 2020

0
681

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Magacaabay Guddiga kala xulista Musharraxiinta Xisbiga uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee la muddeeyay inay dalka ka dhacdo 2020.

Wareegto uu Shalay soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan-Cirro ayuu ku Magacaabay 13 Xubnood oo kala xuli doona Musharraxiinta Xisbiga uga qayb-galay doorashada Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada Somaliland

Wareegtada uu Guddoomiyaha WADDANI ku Magacaabay Guddiga kala xulista oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornayd sidan:-

Ujeeddo:- Magacaabis Guddiga kala xulista Musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo deegaanka ee Xisbiga WADDANI

Markii aan dersay: Qodobka 30-aad, Farqaddiisa 6-aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Markii ay ii muuqatay: in la dardar-geliyo hawlaha u diyaar-garowga doorashada.

Markii aan tixgeliyey: Markii aan tixgeliyey heshiiskii siyaasiga ahaa ee Xisbiyada Qaranka.

Markii ay ii soo baxday: Baahida loo qabo in la dhiso guddiga kala xulista Musharraxiinta.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 11-ka bisha March, 2020, waxaan go’aamiyey inaan Magacaabo Guddiga kala xulista Musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee doorashadan 2020-ka ee Xisbiga WADDANI:

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde (Guddoomiye)

Xirsi Cali Xaaji Xasan (Xubin)

Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Xubin)

Maxamed Cali Aw Cabdi (Xubin)

Khadar Xuseen Cabdi (Xubin)

Saleebaan Ducaale X.  Jaamac (Xubin)

Jamaal Jaamac Xaamud (Xubin)

Xil. Abubakar Cabdiraxmaan Good

Cabdalle Maxamed Carab (Xubin)

Foosiya Kayse Faarax (Xubin)

Axmed X. Cabdillaahi Cumar (Xamarji) (Xubin)

Cali Cabdi Saayiq.

Bashiir Cabdi Xariir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here