Madaxwayne Siilaanyo Oo Hargeysa Ka Furay Shir U Dhexeeya Somaliland Iyo Deeq-bixiyayaasha

31
716

Picture5Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka furay shir u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo qaadhaan-bixiyayaasha adduunka, kaasi oo ku xidhiidhsan barnaamijka “New Deal” ee beesha caalamku ugu talo-galeen inay ku taageeraan Somaliland iyo dalka deriska ah ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qayb-galenen Wasiirro tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa waxa khudbad ku furay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi, waxaanu amaanay doorka bylshada caalamku kaga jirto horumarka ka jira Somailand, waxaanu khudbaddiisa ku soo qaaday sida ay muhiimka u tahay in qaadhaan bixiyayaashu ku soo biiraan sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay sameeyeen dalalka Ingiriisku ka mid yahay.

Madaxwayne Siilaanyo, ayaa khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca Dawladda Somaliland iyo Shacabkeeda, waxaan idinku mahadcelinayaa inaad ka soo qayb-gashaan Madashan taariikhiga ah, gaar ahaan Saaxibadayada beesha Caalamka ee danaynaya inay muujiyaan sii wadi-taanka taageerooda ay la garan taagan yihiin horumarka Somaliland. Waxa aynu maanta (shalay) halkan isugu nimi inaynu jaan-goyno bilaabista iskaashi dib loo habeeyey oo u dhexeeya Somaliland iyo Saaxiibbadeeda ka taageera dhinaca horumarinta, kaas oo lagu aasaasay hirgelinta Heshiiska Cusub ee ku salaysan mabaadi’da caalamiga ah. Mawqifkayaga, tani waxa ay suurto-gelisay hirgelinta mashruuca Diyaar-garowga Gaarka ah ee Somaliland. Marka ficil loo beddelo, mashruuca u-diyaar-garowgu micnihiisu waxa weeye inuu noqon doono waxyaabaha mudnaanta leh ee ay ogsoon yihiin Shacabka Somaliland, iyada oo marayo Qorshaha Horumarinta Qaran, kaas oo ku hagi doono dariiqa loo marayo hirgelintiisa”

Madaxwayne Siilaanyo oo sii hadlayaa waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo ujeeddadiisu tahay in dhismaha hay’adaha aanu ku saamaynay muddada labaatanka sanno ah ee aanu ku soo jirnay dhismaha Dawladnimo qaran ee aanu seeska hoose ka soo dhisayney, ay dammaanad-qaadi doonaan barnaamijyada maalgelineed ee laga soo mariyo hay’adaha dhaqaale sida Sanduuqa Horumarinta Somaliland [Somaliland Development Fund] (SDF). Tanina waa imkaaniyaadka dhaqaalaynta taas oo Somaliland rumaysan tahay inay yarayn doonto Kharashaadka badan, inay qiimo wanaagsan u yeesho lacagta laga qaado cashuur-bixiyeyaasha, isla markaana ay kor u qaaddo wax-soo-saarka iyo saamaynta dhinaca horumarka ee wakhtiga fog. Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan Deeq-bixiyeyaasha inay ku soo biiraan Sanduuqan Dhaqaale. Sanduuqa Dhaqaalaha Somaliland (SDF) waxa uu imika ku jira miisaaniyadda. Laakiin marka la eego qaab-dhismeedkiisa, waxa ku jira dhaqaale dhiirrigelin ah, kaas oo sida caadiga ah ku xidhiidhsan Maamulka Maaliyadeed ee Qaranka, qorshahayga dib-u-habaynta maamulka maaliyadeed ee Qaran waa mid aanaan ka daalayn” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa maanta (shalay) halkan lagu falanqeeyey, ma noqon doono oo kaliya mid saamayn ku yeesha nolosha dadkagaya oo rejaynaya in labaatanka sanno ee ku naalloonayeen nabaddada iyo deggenanaanshuhu ay sii socon doonaan si ay u helaan koboc dhaqaale oo intii hore ka badan, balse waxa uu sidoo kale tusaale lagu daydo u noqon doonaa dalalka Mandaqadda. Anaga oo ku naala gobol ay ragaadiyeen dagaallo, Xaqjirnimo iyo argigixiso, Somaliland waxa ay dunida u muujisay inay ka duwanaato. Guusha ay Somaliland gaadhay waxa ay markhaati kac u tahay in nabadda, deggenaanshaha iyo horumarka lagu gaadhi karo dib-u-heshiisiin, tixgelinta xuquuqda bani’aadamka, dimuraadiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxaanu samaynay horumar la taaban karo laba iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey, waxaana dedaalkaas lagu suurto-galiyey furfurnaanta Shacabkayaga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay nagu taageerayeen qaadhaan-bixiyeyaasha wada-shaqayntu naga dhaxayso. Laakiin, waxa wali naga horeeya dariiq dheer oo aanu ku xaqiijinayno rabitaankayaga ku qeexan himiladayada Qaran ee ku xusan qorshahayaga Horumarinta Qaran, laguna murajaceeyey mashruuca Dib-u-habaynta Gaarka ah ee Somaliland”

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu sheegay in waxyaabaha xukuumaddiisa muhiimka u ahi ay yihiin inay xoojiyaan geedi socodka dimuqraadiyadda “Waxyaabaha muhiimadda noo ah waxa ka mid ah inaanu xoojino geeddi-socodkayaga dimuqraadiyadeed, inaanu Xoojinno Ammaankayaga, inaanu horumarino awooddadayada wax-soo-saar, inaanu shaqo u abuurno Dhalinyaradayada, inaanu adeegyo bulsho oo fulin bixinno, inaanu kobcino dakhli ku filan hawlahayaga shaqo iyo baahida Maalgelineed isla markaana aanu ilaalino Deegaankayaga” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dawladdaydu kama gaabinayso doorkeeda. Waxa naga go’an inaanu dhinacayaga ka soo baxno masuuliyaddii na saarnayd, kalsoonina u muujino qaadhaan-bixiyeyaasha aanu hawl-wadaagta nahay, iyada oo la fulinayo dib-u-habaynta waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee dhinacyada Caddaaladda, maaliyadda iyo maamulka hay’adaha dawladeed si loo gaadho Dawlad Wanaag, la xisaabtan iyo hufnaan. Waxaanu ku kalsoonnahay inaad idinku sidoo kale ka soo bixi doontaan masuuliyadda aad iska saarteen inaad nagala shaqaysaan kobcinta Horumarkayaga. Shaki igagagma jiro inaynu wada-jirkeenna ku guulaysan karo dhismaha mustaqbal u wanaagsan dadkeenna”

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka SomalilandDr Sacad Cali Shire, oo isaguna hogaaminayey shirka, ayaa halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaynu isugu nimid hal ujeedo, taasoo ah in la wanaajiyo nolosha iyo heerka nololeed ee shacabka Somaliland, innaga oo ka dulaynaa nidaam saddex geesood ah, oo ku dhisan wadatashi, is aamin, is waafaqid iyo in shaqada siday u kala muhiimsan tahay loo kala hor mariyo, taasaa sal u ah hawsheena, taasi oo waafaqsan mabaa’diida ah in gargaarku midho dhalo iyo mabaa’diida “New Deal”.

Comments are closed.