La Taliyaha Arrimaha Dibedda Ee Golaha Guurtida Oo Ka Dayrisay Xaaladda Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland

0
484

Waxay sheegtay in Siyaasadda Arrimaha Dibedda Dalku Hoos u sii socotay intii ka dambaysey 2010-kii, iyado Fursado Badani jiraan

Hargeysa (Geeska) – La Taliyaha Arrimaha dibedda ee Golaha Guurtida Somaliland Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa ka hadashay Heerka ay marayso Siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalku.

Marwo Faadumo Siciid, waxay sheegtay in siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland ay Maalinba Maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacayso, halkii ay ka ahayd inay kor u sii kacdo oo ay horumar samayso.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo Waraysi siisay Telefiishanka Horn Cable, ayaa sidoo kale tilmaantay in Beesha Caalamku ka niyad-jabayso Soomaaliya si la mid ah sidii looga niyad-jabay Afgaanistaan, sidaasi darteed loo baahan yahay in Somaliland ka faa’idaysato fursadaha jira.

Faadumo oo arrimahaa ka hadlaysa ayaa tidhi “Soomaaliya dhawaan dunidu waa ka jeesan doonta oo waa laga soo daalayaa sidii Afkaanistaan.”

Marwadu waxa kale oo ay ka hadashay heerkii ay maraysay Siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland xilligii uu dalka hoggaaminayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin “Somaliland 2010 Lagasoo bilaabo Siyaasadda Arimaha dibedda hoos ayay u sii socotaa ilaa hadda, wakhtigii Daahir Riyaale siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland kor ayay u sii socotay..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in aanay xilligan Siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland dhinacna u socon “Dhinacna uma socoto siyaasadda Somaliland hadda, fursadihii weli waa jiraan oo waa joogaan..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office