Waddani Oo Cambaareeyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya U Bilaabmaya

0
603

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilanayo ku tilmaamay mid ku hafatay jihaynta siyaasada dibada ee Somaliland.iyaga oo ugu baaqay shacbiga Somaliland in ay xukuumadda haatan u heelantahay kulmada ay la galayso Somaliya iyaga oo arimahaas dhaliilo xoogan ugu soo jeediyay xukuumadda.

Xisbiga Waddani ayaa ku baaqay in dib loogu noqdo xeerkii hore loo laalay ee xukuumaddu ku gashay wada hadalada Somaliya,sida oo kale waxa uu xisbiga Waddani cod dheer ku canbaareeyay wax ay ugu yeedheen fadhataysiga ay xukuumaddu ku hayso xisbiga mucaaradka ah ee Ucid.

Xoghayaha arimaha gaarka ah ee xisbig Waddani Xuseen Aadan Cali (Asad) oo ugu horayntii arimhan ku saabsan siyaasada dibada iyo wada hadalada ka hadlaayay waxa uu yidhi“Sida aynu ognahay siyaasada dibada xukuumaddan hada joogtaa saddexdii sano ee ay joogtay waa ay ku hafatay, wayna jihayn kari wayday siyaasadii arimaha dibada ee dalka,gaar ahaan markaan soo qaato arinka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya xukuumaddu way dhex fadhiisatay,waxa uu hoos u dhac weyn ku yimi meeqaamkii qaranimo ee Somaliland caalamka ku lahayn iyo hamigii muwaadiniinta. Waxaad ogtihiin in ay dhawaan ka soo yeedhay Somaliya in aanay Somaliland la hadli karin ilaa inta ay ku taagan yihiin majarahooda gooni isku taaga,taas oo ah inay tanaasulaan oo ay maamul gobaleed noqdaan, xukuumaddenu waxay kaga jawaabtay telefoon ayaanu u dirnay madaxweynii Somaliya oo dib ayaa shirkii naloogu dhigay oo iyadiibaaba heelan.waxaynu soo qaadanaynaa, waftigii xukuumadda ee Addis joogay waxay halkaas u tageen simnaar ku saabsan sidii ay u qaadan lahaayeen fadaraalka, intaas kadibna waxay  tageen Turkiga oo aan cidiba kaga horayn iyada oo aan laba dhisin golahii wasiirada ee ay la hadli lahaayeen, mar labaad xukuumaddani iyaadaaba heelan oo tagayso darkii oo cidla ah.”

Xoghayaha warfaafinta Waddani Maxamed xasan Dirir ayaa isaguna dhankiisa canbaareeyay wax uu ugu yeedhay fadhataysi ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso xisbiga mucaaradka ah ee Ucid “Somaliland waa dal dimuqraadi ah iyada oo xukuumaddii tan ka horaysay ee Daahir Rayaale lagu tirin jiray inay dhistay dimuqraadiyada Somaliland, xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo waajib ayaa loogu lahaa oo dastuurka qaranka iyo xeerarka ka farcama ayaa farayay ilaalinta dimuqraadiayda Somaliland , waxaana dimuqraadiyada astaan u saddexda xisbi qaran oo xisbiga Ucid uu ka mid yahay, waxaynu wada ognahay in xukuumadda Siilaanyo u qalab qaadatay inay burburiso xisbiga Ucid, oo ay fara galin qaawan ku hayso, oo hantidii umadda ee masaakiinta laga ururiyay ay u adeegsanayso khalkhalinta  xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, waxa nasiib daro ah inay xukuumadda Siilaanyo u badheedhayso inay noqoto xukuumaddii burburisay dimuqraadiyada Somaliland.”