Waddani Iyo UCID Oo Xukuumadda & Xisbiga KULMIYE Ku Eedeeyay Inay Wax Ka Qabashadii Abaarta Iyo Sicir Bararka Kaga Mashquuleen Olole Iyo Xisbul Xaakimka Oo Iska Difaacay

0
521

Hargeysa (Geeska)-Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay iska indho tirtay abaarta iyo sicir bararka dalka ka jira islamarkaana ay ku jirto olole taageero loogu raadinayo xisbiga KULMIYE. Hase yeeshee xisbiga KULMIYE ayaa iska difaacay eedahaas mucaaradka.

1

 Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee  UCID, Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in safarkii Madaxweyne Siilaanyo ee gobalada bari iyo safarkan Saylici ee Borama yihiin safaro olole, iyagoo sheegay in la dayacay gurmadkii loo samayn lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen. Laakiin waxa eedaas  ka difaacay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Maanta dadkeenii dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay abaartu ayaa haysata, iyadoo abaartu jirtana, oo miyi iyo magaalaba samaysay, ayaa haddana waxa ugu sii darsamay dhibaato dhinaca sicir bararka iyo maceeshada ah, waxaas oo dhani waa waajibaadkii looga baahnaa inay Xukuumaddu wax ka qabato, balse wey gabtay, weyna ka seexatay, haddii aynu sidan ku sii jirnana waxay dadkeenu u kala bixi doonaan laba dabaqadood, oo dabaqad Xukuumaddu naas nuujiso, oo tagtay iyo dabaqad dhulka ah oo aan waxba haysan oo Xukuumaddu danba ka lahayn,  waxaana cad in hadda Xukuumaddu iyo Xisbigeeda Kulmiye ay ku jiraan olole, oo aanad moodaynba in aanay arkayn dana ka lahayn dadkan dhibaataysan ee abaartu hayso, waxaynu ogeyn safarkii Madaxweyne ee uu ugu baxay Gobolada Barri, safarkaasi muu ahayn safar lagu soo ogaanayo abaaraha iyo heerka uu marayo, ee wuxuu ahaa safar loogu ololaynayo Xisbiga Kulmiye, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka oo ah Guddoomiyaha Abaaraha, halkii looga baahnaa inuu qayb libaax leh ka qaato abaaraha una gurmado dadka abaaruhu hayaan isna markii uu yimidba olole ayuu ka bilaabay Gobolka Awdal iyo Magaalada Boorama, anagu ka xisbi Waddani ahaan horena waanu uga qayb qaadanay wax ka qabashada abaaraha, mar walba diyaar ayaanu u nahay, balse marnaba Xisbiga Kulmiye kamuu qayb qaadan, ee olole aan la gaadhin oo sharcigu u fasixin buu ku jiraa”.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee  UCID, Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), oo isna ka hadlaya abaarta iyo sicir bararka ayaa yidhi “Xukuumaddu khalad weyn iyo gef bay ka gashay dadkeeda, oo halkii looga baahnaa inay wax u qabato oo u gargaarto oo dhibka haysa la qayb sato ayey iska indho tirtay, maxaa yeelay labadii safar ee Kulmiye iyo Xukuumaddu ee Gobolada Galbeedka iyo Barriga Somaliland waxa ku baxay malaayiin lacag  waxa ku baxay shidaal aad u badan, kharashadkaas ku baxay wax badan bay u tari lahayn Bulshada ay abaaruhu hayaan, waxa kale oo ayaan daro ah inay Xukuumaddu sugi kari weyday qiimaha sarifka lacagta dollarka”.

Hase yeeshee Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo aanu isna wax ka weydiinay waxa ka jira eeddahan ay Xisbiyada Mucaaradku u soo jeedinaya Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Marnaba Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu kuma jiraan olole, safarkii Madaxweynaha ee Gobolada Barrigu wuxuu ahaa Safar uu ugu kuurgalayey xaalada nololeed ee dadka Goboladaas degan, haddii uu Madaxweynuhu soo eegayey dadkiisi iyo bulshadii soo dooratayna xogogaalna u soo noqday abaarta ka taagan maaha in olole lagu tilmaamo, dhanka kale socdaalkii Xisbiga ee Boorama maaha in isna lagu tilmaamo olole, ee waxa dhab ah inuu Xisbigu casuumad iyo soo dhaweyn ka helay bulshada ku dhaqan Boorama, haddii taageerayaal ku soo biireena maaha in si kale loo rogo, oo olole lagu tilmaamo, waxaana xaqiiqo ah in Xisbiyada kaleba ay tagaan Gobolada dalka, anagu marnaba kuma tilmaano olole.

Xukuumadda iyo Kulmiyeba doorkii ay ka qaateen abaaraha iyo sida ay ugu gurmadeen dadkooda dhibaataysan wax qarsoon maaha, lama qarin karo, ilaa haddana Xukuumaddu gurmadkii iyo dadaalkii wey wadaa, wax ka qabashada  sicir bararkana wey ku hawlan tahay”.