Mujaahid Xasan Guure Oo Si Adag Uga Hadlay Mudaharaadka Biyo La’aaneed Ee Hargeysa

0
932

xasan guureHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay cashuur kordhinta booyadaha biyaha iyo gaadiidka xamuulka ee dadweynaha u shaqeeya.

Waxa uu madaxweynaha xasuusiyay Muj.Xasan Guure balanqaadyadii uu balan qaaday wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee dhanka biyaha Hargeysa, waxaanu su’aalo iska waydiiyay balanqaadyadaas iyo xaalada madaxweynahu uu hadda ku sugan yahay.

Waxa uu sidan ku sheegay guddaamiyaha madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranku isaga oo u waramayay  wargeyska Geeska Afrika, waxaanu sida oo kale sheegay in dadku uu difaaci doono waxii uu xaq u leeyahay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Waynu ogayn maalmahanba waxii ka socday Hargeysa, waxaasina waa midhihii talada dawlada maanta joogta,masuulku waa in uu marka hore caqli yeesho oo uu garto dhibta soo socota ama marka dadku wax u sheego uu gartaa, arintoodii waxay noqotay wan weyn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, ilaa ay halkaas gaadho in aanay dawladeenu dhug u lahayn ayaad moodaa, dadku xaq ayay u leeyahiin inay arimahooda difaacdaan waanay ku hagaagsan yihiin waxii ay xaq u leeyahiin inay diidaan oo ay ka hor yimaadaan. Waxaad moodaa dawladu had iyo goor in aanay waxba dadka iskaga tirin, go’aankay doontana way iska gaadhaysaa, waxaanad moodaa ciidamadan ay soo dirayaan inay talada goynayaan, xalka u weyn ee ay sameeyen waxay ahayd inay qolyaha booyadaha kala qabiyaan oo ay qaar laaluushaan,oo ay yidhaahdaan qoladaas maahee qoladaas ayaa wada oo ay dadka isku tilmaamaan, markii danbana ciidamo ayaabay soo direen,hadaba dawladu ha ogaato in aan taladu siday doonayaan ahayn ee dadku uu leeyahay xaq, xaqiisana uu difaaci karo. Intii ku dhimatay cabashadaas waanu tacsiyadaynaynaa,intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad ha siiyo.Waxan socdaana waa taladii madaxweyne Siilaanyo iyo tacabkii qoladan lacagta uun urursata ee wasiiradiisa ah.”

Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaynu ognahay arimaha warbaahinta madaxabanaan sida uu uga hadli jiray madaxweynuu,qof la xidhay oo aan maxkamad l gayn iyo sida uu uga hadli jiray ciidamadu sida ay mudaharaadayaasha ula dhaqmaan, waxaas oo dhan markaad eegto laba qodob mid ahaan ayuunbay noqonaysaa,madaxweynuu ama ninkii aynu naqaanay ee shalay hadlaayay waxna dareemaayay maaha ama dadkuu khiyaamaynaayay.”

Mujaahid Xasan Guure, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Maalin hudheelada magaalada naloo diiday oo uu madaxweyne Siilaanyo hotel Kaah oo aanu wax ku qabanay uu ka hadlaayay si weyn oo qof masuul ah ugu hadlo ayuu uga hadlay biyaha Hargeysa,waxa uu ka hadlay sida ay Hargeysi u biyo la’dahay iyo in  ay biyahu u dhawyihiin oo biyaha Geed-deeble  ay ku filan yihiin magaalada haddii loo hagaajiyo dhuumaha, waxaanu balan qaaday hadii kursiga loo doorto inuu sanadka ugu horeeya biyaha ku gaadhsiin doono magaaladda Hargeysa oo dhan, nolashu waa biyo sida Alle inoo sheegay waa waajib masuulku dad iyo duunyo waxii uu ka masuul yahay inuu biyo siiyo, markaas waa cajaayib marka ay booyadii cashuur ku darayaan,  dawladuu waxay ka war wareegaan in cashuur lagu kordhiyo meelaha dadka si toos ah u taabanaya gaar ahaan danyarta,cashuurta hadii gaadiidka khaaskaa la saarayo waxba may lahaateen, wax biyo dhaamiya oo ay dawladi cashuurtaaba dunida ma jirto waayo waa arin dawlad qasab ku ah, waxay ahayd in la taageero basaska,gaadiidka raashinka iyo booyadahanba, markii cashuurta la saarayayna aad ayaa looga hadlay,madaxweynii shalay biyaha ka hadlaayay markuu mucaaradka ahaa maanta halkuu joogaa, miyuu maqan yahay mise waanu caafimaad qabin, mise dadka ayuu khiyaamaynaayay, oo waxay ahayd waxan Soomaalidu siyaasada u taqaano ee beenta ah oo kursiguunbuu ku gaadhayay, waa su’aalo jawaabtooda u baahan.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday guddoomuyaha Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac sidan  “Waxaan la kulmay nin wasiir ah oo wasiirada waaweyn ee la hadal hayo ka mid ah, waxaan ku idhi dadka maxaad biyaha ugu dhuri waydeen, intuu daantaas waqooyi ee Hargeysa faraha ku fiiqay ayuu yidhi ( qoladaas kuu abtiyaasha ah ayaa biyihii haysatee la hadal), miyaanu isagu masuul ahayn, waa siyaasadii Ingiriiska ee gumaysiga ee qaybi oo xukun, waxay doonayaan in qolaba ay yidhaahdaan qoladaas ayaa waxaas idiin diidan, ma cidbaa cid wax gacanta ugu haysa, talada dawlada ayaa haysa, waana in ay fahmaan in dadku taas ka ilbaxay, dadku xaqbuu  u leeyahay ee ogaada inuu is difaacayo.”