Wadani Oo Ka Noqday Qaadacadii Shirka Turkgia Iyo Cirro Oo Ku Biiray Weftiga

0
529

Picture3Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa taageeray Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee shalay Madaxwayne Siilaanyo u ambo-baxay, kaasi oo ay hore uga soo horjeedeen, waxaana Madaxweynaha ku wehelin doona shirkaas guddoomiyaha Wadani ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Xisbiga Waddani, ayaa hore u sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan shirkaas, oo ay sheegeen inaanay dani ugu jirin Somaliland. Hase yeeshe xisbiga Wadani oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa

ayaa sheegay inay taageersan yihiin Wada-hadalada dalka Turkiga uga furmaya xukuumadda Somaliland iyo dawladda uu Madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Somaliya.

Kulan Madaxda xisbigaasi shalay la yeesheen Madaxwayne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ka hor intii aanu Madaxwaynuhu ka dhoofin Madaarka Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, ayaa Madaxwaynuhu xisbiga Waddani ku qanciyey inay taageeraan wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, isaga oo sidoo kalena u soo bandhigay qodobo jawaab u ah shuruudo xisbigu ku xidhay taageeradiisa wada-hadalada Turkiga, waxaanu tusay qoraal ay ku qornaayeen qodobada masuuliyiinta Xamar shirka la imanayaan oo ah in midnimada Somaliya Muqadas tahay, halka Somaliland ay la tagayso in gooni isu taageedu yahay lama taabtaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, oo kulankaasi ka dib saxaafada hadal kooban siiyay, ayaa yidhi “Waxaanu saaka (shalay Subax) la kulanay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu sharaxaad fiican naga siiyay shirkaasi iyo waxa uu daaran yahay iyo wixii kale ee Macluumaad ahaan ee aanu ka rabnay”

Xoghayaha guud ee Waddani, waxa uu sheegay inay xisbi ahaan ku qanceen macluumaadka uu Madaxwaynaha iyo golaha wasiirradu hu u soo bandhigay “Xisbiga Waddani wuu ka shiray, waxaanu  soo saaray inuu ka qayb-galo shirkaasi oo uu u arkayo shir danta Somaliland ku jirto, looguna wada hadlayo si siman (Somaliland iyo Somaliya), xisbiga Waddani waxa uu go’aansaday inuu shirkaasi ka qayb-gallo Guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kana mid noqdo weftiga Madaxwaynaha”

Xisbiga Waddani, ayaa hore uga hor-yimid wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ka furmaya dalka Turkiga, kaasi oo Madaxwayne Siilaanyo shalay u ambo-baxay.