Maayarkii Hargeysa Oo Aas Qaran Loo Sameeyay

0
523

Picture2Hargeysa (Geeska) – Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid, oo ahaa Maayarkii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa shalay si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qayb-galay dadwayne tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirro, xildhibaano, Madax-dhaqameed, culimo-u-diin iyo dadwayne kale.

Alle Ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Warsame Siciid, oo habeen saddexaadkii ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta oo uu muddo xaalad caafimaad daro u jiifay, ayaa waxa madaarka diyaaraha ee Magaalada Berbera keentay diyaarad ka soo qaaday Dubai, waxaana markaa ka dib loo qaaday dhanka Madaarka Hargeysa,  halkaasoo Alle ha u naxariistee lagu aasay.  Maayarka geeriyooday, ayaa waxa salaada Jinaasada ku tukuday dadwayne boqollaal ahaa oo sugnaa xabaalaha Xeedho, kuwaasi oo halkaasi u tagay inay ka qayb-qaataan aaskiisa.

Marxuumka oo masuuliyiintii aaskiisa ka qayb-galay mid mid uga sheekeeyeen taariikh nololeedkiisa intii ay ka xasuusteen .

Afhayeenka Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo ka mid ahaa masuuliyiintii ay isyaqaaneen Marxuum Yuusuf Warsame Siciid, ayaa sheegay in Maayarka geeriyooday ahaa ninkii sameeyay (Logo-dii) ururkii dib u xoreynta Somaliland ee SNM, isla-markaana ka mid ahaa shakhsiyaadkii doorka weyn ku lahaa dib u xoreynta Somaliland, waxaanu Taccsi u diray ehelkii iyo qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay.

Taariikh nololeedka Marxuumka sidoo kale weedho kooban ka yidhi Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrrada Maaliyadda, ku xigeenka Warfaafinta, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo culimo uu ka mid yahay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), dhammaantoodna waxay Marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu u naxariisto oo janadii Farduusa ka waraabiyo.

Marxuum Yuusuf Warsame Siciid, oo xilka Maayarnimo loo doortay 22-kii bishi December ee sanadkii hore, ayaan isaga oo maalmo kooban fadhiyay  xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Jabuuti, balse markii xaaladiisa waxba lagaga qaban kari waayay ayaa la geeyay cisbitaal ku yaala Magaalada Dubai oo uu aakhirkii ku geeriyooday.