Xukuumadda Oo Mucaaradka U Fidisay Gogol Wada Hadal Iyo Cabdiraxmaan-Cirro & Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhaweeyay

0
664

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka abuurmay muddo kordhin ay golaha Guuridu u sameeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo aqalka Wakiilada, waxaana uu ku dhawaaqay in 20ka bishan ay gogal wada-hadal u fidinayaan xisbiyada mucaaradka Somaliland si looga wada-tashado sidii loo xalin lahaa khilaafkaas siyaasadeed.

Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka madaxtooyada Somaliland, waxaana uu sida oo kale sheegay in go’aankii muddo kordhinta ahaa golaha Guurtidu ay ku dhawaaqeen uu ahaa mid iyaga u gooni ah oo aanay wax lug ah ku lahayn, isaga oo sida oo kalena xusay in ay ka xukuumad ahaan ay tix galinayaan go’aankii hore ay ugu dhawaaqeen  Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland. Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa soo dhaweeyay baaqa Saylici.

Madaxweyne-xigeenka ayaa yidhi  "Marka aynu ummad ahaan reer Somaliland nahay, waxaa innoo caado ah mar walba oo ay Soomaalidu tidhaahda carab iyo Labadiisa daanba waa ay isdiidaan, khilaaf mar walba waa uu iska abuurmi karaa, waxaa se haddana innoo caado ah in aynu waxeena haddana wada dhamaysano, waxaan halkan ka iclaaminayaa in khilaafka siyaasiga ah ee ka abuurmay doorashooyinka iyo muddo kordhinta in haddii aniga oo ku hadlaaya afkii xukuumada iyo kii xisbigaba talada haya ee Kulmiye in aan fidinayno gogal wada-hadal marka aynu ka gudubno u diyaar garawga iyo debaal dega sannad guuradeena Afar iyo Labaatanaad ee dib ula soo noqoshadii xornimada jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan 18ka bisha May, waxaan halkan ka cadaynaynaa oo umadda reer Somaliland aan u sheegaynaa guud ahaan iyo gaar ahaanba xisbiyada qaranka in aan fidinayno gogal wada-hadal ah oo aanu kaga wada hadli doono arrimaha khilaafka siyaasiga ah ee dhashay, diyaarna aanu u nahay in aanu ka wada hadalno iyada oo aad ogtihiin in Guurtidu ay tahay hay'adda dalka ugu saraysa sida uu dastuurku dhigaayana go'aanka ay gaadhaan waa go'aan ay iyagu gaar u leeyihiin, in aanu ahayn go'aan ay iyagu cid kale la wadaagaan, mid ay xisbiyo kula wadaagaan aanay ahayn, mid xukuumad ay la wadaageena aanu ahayn. se hadana talooyinka meesha ka dhashay ay ahaayeen kuwo isku ujeedo loo wada socdo, komishanka doorashooyinkuna ay wakhti soo jeediyeen, xisbiyada qarankuna wakhti ay soo jeediyeen, iyaga oo ugu danbeyntiina go'aanka kama danbeysta ah lahaana ay wakhti soo jeediyeen, wakhtigaasina aanu ka fogeyn wakhtigii ay soo jeediyeen xisbiyada qaranka Somaliland, sidaas darteed haddii uu khilaaf ka dhashay waxaa aanu diyaar u nahay in 20ka bisha marka Labada cisho ee 18ka May ay innaga dhamaadaan debaal degu oo 20ka bishan oo ku beegan Arbacada soo socota in aanu xisbiyada u furi doono wada-hadal.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Saylaci. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Saylaci oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in ay dedaal xooga u galeen sidii ay doorasho dalka uga dhici lahayd balse ay arrimo farsamo dib u rideen, waxaana uu xusay in ay hada diyaar u yihiin sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah ay u dhici lahayd. Waxaana uu yidhi:

"Runtii dedaal ayaa lagu jiray, sidii ay doorasho u dhici lahaydna marnaba annagu kamaanan war wareegin, doorashada aan rabnayna waxaa ay ahayd mid aan qarankan dhib ku keenin oo ah doorasho xor oo xalaal ah oo la helo doorasho hal qof iyo hal cod ah oo la helo in kolka hore la xaqiijiyo muwaadiniinta, marka Labaadna la xaqiijiyo Kaadhka codbixinta immikana dib u dhacaasi waa mid farsamo ku yimi oo aanay illaa hada wali xiligaas aanay bilaabmin kaadhkii codbixintu, talada marnaba lamaanan cararayn oo horena waanu uga wada hadlaynay xisbiyada iyo cida ay khusaysoba arrimaha doorashooyinku, marka dee kolba sidii loo jabo ayaa loo dhitiyaa ee waa halka ay talo dhigto wada shaqaynta ay nagula shaqayso hawsha doorashooyinka, hadana duruufaha noo gaarka ah annaga ayaa cid walba ka og oo aanu annagu dhamaysanayno.".

Md.Saylaci, waxaa uu sida oo kale ka hadlay mudaharaadka talaabada ay xukuumadu ku hor-joogsatay mudaharaad xisbiga Waddani uu ugu baaqay taageerayaashiisa si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan muddo kordhinta golaha Guurtidu u sameeyeen madaxtooyada iyo golaha Wakiilada Somaliland.

"Sida uu dastuurku dhigaayo in mudaharaad salmi ah la dhigo isaga(Waddani) iyo cidii kaleba waa sharciyan oo waa ay u banaan tahay, se ummadeena Somaliland iyo halka ayno joogno maanta umma bislaan wali sida dunida hore u martay oo dee haddii ay halkaas boqolaal qof iska maraan aan dhibaato geysanayn maaha, se baqo aan uga qabno nabad galyadeena weeyaan waxa  aanu u joojinaynaa ee wax kale maaha, oo maanta haddii ay 50 qof oo mas'uuliyiinta reer Waddani ahi ay halkaas ku maraan oo dareen muujinayaan, marka danbta dadka ayaa ay tahay in la illaaliyo oo waxii umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah, annaguna danta dadka ayaanu illaalinaynaa.".Ayuu yidhi Md.Saylaci.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaa uu ugu danbeyni sheegay in ay si aada u tix galinayaan go’aankii hore ay u soo saareen Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

"Wada-tashigu waa kii hore u socday, saddexda xisbi qaran waa kuwii wada hadlayey ee u tashaday waar mudada sanadka ahi ma ku noqonaysaa doorasho, labada doorasho ee isa saaran ee innagu cusub oo ah nidaam cusub ee wadata illaa diiwaan galinteedii oo iyaduna nidaam cusub ah ee aynu dalkeena ognahay ma ku qabsoomaysaa, waxaa lagu wada qancay in sanadkaasi uu cidhiidhi yahay iyada oo guddoomiyaha Waddani uu markii danbe ka baxay waxaa ay ku wada heshiiyeen in sanadkaasi cidhiidhi yahay oo aanay doorashadu ku qabsoomi karayn iyo diiwaan galinta oo iyaduna nidaam cusub ah, waxaan ay ku heshiiyeen in bisha Noofember 15keeda la qabto si aanay mar danbe dib u dhicin doorashadu, arrintu markii ay Guurida u wareegtayna halkii ay saddexda xisbi qaran dhigeen meel Afar bilood oo kaliya dhaaf siisan ayey ka dhigeen, waxaasi wax annag na khuseeya maaha, mar walba waxa aanu tix galinaynaa waxii Komishan soo jeediyo, madaxweynahu warqadii uu qoray waxaa ku qornayd iyaga oo ku salaynaaya soo jeedinti Komishanka Doorashooyinka." .Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Saylaci.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa soo dhaweeyey gogashan wada-tashi ee xukuumadu u fidisay xisbiyada mucaaradka Somaliland, si looga wada-tashado khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta loo sameeyey xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland.

Cabdiraxmaan Ciro.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Md. Cabdiraxdmaan Maxamed Cirro ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, waxaa uu u dhignaa sida tan: “Mab-da’ ahaan xisbiga Waddani, waxaa uu soo dhaweynayaa gogasha wada-hadalka iyo wada-tashiga ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland fidiyey.

Xisbiga Waddani, waxaa uu aamin san yahay in wada-hadalka Somaliland wax badan ugu hagaagayaan marka la’eego xaalada maanta dalku maraayo.

Qaabka loo galayaao wada-tashiga qaran iyo ajendayaasha lagaga hadlaayo, waxaa aanu wada-tashi kala galaynaa xisbiga aanu mataanaha nahay ee Ucid, hal doorka iyo talo qabeenka Somaliland.

Waxaanu mahad naqa balaadhan u soo jeedinaynaa beesha caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala Somaliland wakhtiga gudiga doorashooyinka Somaliland ay cayimeen ee 1’da, Juun, 2016ka.

Madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Waddani waxaa ay ku rajo weyn yihiin dal iyo debadba in lagu guulaysan doono wada-hadalkaas.

Allaa Mahad Leh.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo isna la hadlay talefeeshanka Horn Cable, ayaa waxaa uu yidhi: “Madaxweynaha kulan ayaanu qaadanay xalay markii horeba iyaga ayey ahayd in ay noo yeedhaan, laakiin annaga ayaa khayrkii qaadanay oo kaga horeynay, rag badan oo dawladiisa ahina waa ay fadhiyeen, annaguna saddex ayaanu ahayn, si fiicana waanu u hogo tusaalaynay dhibaatooyinka jira, gaar ahaan kuwa innaga haysta xaga dibadda.dhibaatooyinka innaga haysta dibadda, waxaa aanu tusnay in aan wada-tashi la’aan aan lagaga baxayn, waxa inna horyaala intaas oo arrin oo ay tahay in aynu doorashada horteed ka heshiino, waxaas oo dhana waxaa loo baahan yahay in la xaliyo deedna aynu doorasho nadiif ah aynu galno. Halkaas waxaa aanu ku heshiinay in bisha 20keeda ay gogal fidiso oo xukuumadii hore ee Riyaale, qado iyo qaadba waa ay ku soo dari jirtayee, waxaanu leenahay kuwana bal sharaaf uun keena, qaad iyo qado midna idin kama rabnee. Laakiin go’gasha aad fidiseen waad ku mahadsan tihiin.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.