Wada Hadaladii Somaliland & Somaliya Ee Salaasada Furmayay Oo Xalay Si Kedis Ah Dib U Dhac Uu Ku Yimid Iyo Weftigii Maanta Baxayay Oo Baaqday

0
521

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wada hadalada Somaliland iyo Somailya oo qorshaysnaa inay Salaasada toddobaadkan ka furmaan wadanka Turkiga ayaa si kedis ah xalay uu dib u dhac ku yimid.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay dib u dhacaas deg dega ah, laakiin Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay niskii dambe ogaaday inuu dib u dhacay wada hadalkaasi, waxaana markaas baaqday weftigii Somaliland metelayay oo maanta ka dhoofayay magaalada Hargeysa. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay intaas ku darayaan inay dawladda Somaliya dalbatay in wada hadalka dib loogu riixo 15-ka bishan January halka ay markii hore ka ahayd 7 bishan oo ku beegnayd Salaasada. Weftiga Somaliland oo maanta qorshaystay inay ambo-baxaan ayaa xalay cawayskii lagu wargeliyay in safarkii baaqday.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa hore u sheegay in wada hadalka labada dal uu furmayo Salaasada toddobaadkan.

Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay ka war-wareegayso wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanaay hore dhawr jeer dawladda Turkiga uga codsatay in dib loo dhigo wada hadalada, iyadoo marmarsiiyo ka dhigatay in dalkeedu ku jiro qalalaase siyaasadeed oo aan u saamaxayn ka qayb galka shirkaas.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa toddobaadkii hore baahiyay inay dawladda Somaliya maleegayso qorsheyaal la xidhiidha sidii ay uga bixi lahayd wada hadalka Somaliland, iyadoo ay suurtogal tahay in Baarlamaanka Somaliya ay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud horgayso mooshin ay ku dalbanayso in gebi ahaanba laga baxo wada hadalada.

Hase yeeshe dawladda Somaliland ayaa u muuqata mid aan warkaaba hayn, waana dhinaca keliya ee laga maqlo in wada hadalka la mudeeyay, inuu baaqday iyo inuu ka baaqday dhinaca Somaliya, waxaanay dadka qaarkii ku doodayaan inuu dawladda Somaliland deg deg ka muuqdo marka laga hadlayo wada hadalada labada dal.