Somaliland Beeshayadaa Ugu Laangaabsan. Qalinkii Khadar Abdi Abdilaahi.

0
677

Picture1Hada waxaan ahay xaamilo uur leh. Waxaana i wata nin aanan waligay arag. Gaadhi ayuu igu soo qaatay. Wuxuu igu sii wadaa dhul aanan garanayn. Qiyaastii inuu ila fogaado ayuu damacsanyey. Deegaankii aan u dhashay waxaan kaga imi inan gashaanti ah oo aan dhalay. Inantaa markaan uurkeeda qaaday ayaa iigu dambaysay Aabeheed. Waxaasba waxaa igaga xanuun badan wiil aan dhalay. Laba nin oo xoog waawayn ayaa hal mar intay guriga noogu soo galeen la baxay wiiilkayga. Anoo arkaaya ayey gawraceen.

Gacanta Alla idin goo miyaanay cidi la dhalan oo aan dumar dhalin. Hooyaday, sida la ii sheegay, waxaa cunay bahal Aabahayna waligay ma arag. Gabadhkasta oo aanu tol ama isku qoomiyad nahay dhibaatadan way iskala nooshay. Beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland degaa waa wada laandheere, laakiin anagu digada ayaanu nahay. Dadbaa iska kaayo haysta siday doonaana naga yeela. Mar dad kale ayaa nala siiyaa, marna waa nala iibiyaa. Dhiigayaga in la daadiyaana koob biyo ahoo la cabayo ka fudud. Maadaamoon soo hadal qaaday ''iib'' malaha waxaad moodi inaanu adoomo nahay? Wanaagsanaan lahaydee taasi. Adoomhu waa kuwee? Ma dadka nool ee sharafta leh ee laga leexdo? Waanu ka sii liidanaa adoomaha. Darajada aan nolosha aduunka kaga noolnay cid bini'aadam ah oo nala wadaagta ama nagu wehelisaa ma jirto. Anaguna muwaafaqo ma lihin oo wuxuu habaar nagaga dhacay talada iyo isku duubnaanta. Maba naqaan hadaan ku idhaa ka waran talo waxay tahay!

Dadka iska kaayo lihi waxay iska dhigaan inay na jecelyihiin, laakiin waa beentood. Dan iyo muraad toona nagama laha. Waar xataa arsaaqadii aanu cunaynay cidhiidhi ayey nagu galiyeen oo meelkastaba way ooteen. Waxaan ka sii maroor dilaacsanay, waxaa markasta dhagahayga ku soo dhacday dadku way naxariis badan yihiin iyo bini'aadmnimo ayaa jirta. Maruun hadii la ii sheego meel halkan nolol dhaanta waan isaga haajiri lahaa, laakiin, sidiina oo kale ma tahriibi karno, waayo waligeedba may dhicin qof beeshayada ah oo naftiisa la baxsaday. Wax waan maqli karaa laakiin ma hadli karo. Nasiibku igama xumaan laakiin qadarta ayaa sidan ahayd. Maadaamoo Illaahay hadalka iga xidhay, waxaan jeclaa inaan wax qori karo si aan dhibtayda idiinku sheegto. Bini'aadamkan Illaahay ayaa noo dhexeeya oo xaaladayada arkaaya. Hoos-hoos ayaan habeen iyo maalin isaga ooyaa!!.

Tani waxay ahayd odoros gaaban oo aan kaga fikiray dareenada qarsoon. Waa qoom aan cod lahayn oo aan sheegan karin dhibtooda. Dabcan waa xoolaha nool ee nolosheenoo dhami ku xidhantay, Illaahay sokodii. Waan ogay hadii xoolaha nooli hadli lahaayeen inay intan iyo in ka badan oo kale oo caloosha ku xanuujisa ay sheegan lahaayeen. Hadii aad maqaalkan akhriday fadlan xoolaha nool u naxariiso.

 

Khadar Abdi Abdilaahi.

hadarcc98@hotmail.com

Vienna, Austria