Wada Hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Waa Maan Barrey iyo Maan Bilaal

0
806

cadamiBari waxa jiray boqor ka mid ah boqoradii hore, wuxuu lahaa nin adoon ah oo qasriga ama guriga uga shaqeeya, adoonka waxa lagu magacaabi jiray Bilaal.

maalin maalmaha ka mid ah Bilaal waxa uu u galay boqorkii oo fadhiya majlis wayn oo uu ku qaabilo dadweynaha, wuxuu weydiistay boqorka inuu inantiisa siiyo una guuriyo.

boqorkii wax jawaab ah ma siin, ma aqbalin mana diidin hase ahaatee isaga oo ka fakaraya arrinkii Bilaal waxa soo weydaratay Barrey gabadhii boqorku dhalay oo aan ka war qabin wuxuu Bilaal aabaheed ugu yimid.

Barrey waxay aabaheed weydiisatay adoonka (Bilaal) in  loo Iibiyo si ay lacagta lagu Iibsado ay dahab u siisato, waa laba kala fog, waana kala maan !

Sidaasoo kale waxa ka dhigan soomaaliya iyo Somaliland oo dhawr jeer isugu yimid shirara ay kaga wada hadlayaan aayaha danbe ee labada dal.

May 1991 Somaliland waxay ku dhawaqday inay tahay dal madax banaan, waxay qorotay distoor qodobkii 1aad faqradiisa 1,2,3 waxay si cad u qeexayaan madaxbanaanida JSL iyo inay tahay lama taabtaan oo aan marnaba gorgortan la gelin Karin.

Madaxweyne kasta oo dadka reer Somaliland doortaa wuxuu ku qasban yahay ama u taagan yahay inuu ilaaliyo distoorka qaranka iyo inuu dhowro rabitaanka shacabka ergada Somaliland uga qayb gasha wadahadalada kuwii hore iyo kuwa danbeba haddii uu Madaxweyne yahay iyo haddii uu wasiir noqdaba ma baal marin karaan dastuurka iyo go’aankii Ummada haddii ay dhacdana waxay noqonaysaa khiyaamo qaran  oo culus (High Treason) sidaa awgeed Madaxda Somaliland kuwa soomaliya waxay kala xaajoon karaan wixii ka sokeeya Gooni isu taaga iyo qaranimada Somaliland.

Soomaaliya iyana waxay samaysatay distuur lagu tilmaamayo midnimada soomaliya oo ay Somaliland ku jirto iyagoo yaraysanaya ama is diidsiinaya aayo ka tashiga ummada reer Somaliland.

Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadiisu waxay ku balan qaaday ama ku dhaartay  inuu ka shaqaynayo midnimada soomaliya sida distuurkoodu farayo, wadahadaladan ay kula jiraan Somaliland waxay ku fasiraan kuwo loogu gogol xaadhayo midnimada ama lagu qancinaayo madaxada Somaliland inay garawsadaan iyo inay ka tanaasulaan goni isu taaga oo ay ka soo noqdaan dudmada waxayse u eeg tahay riyo iyo iyaga oo naftooda been u sheegaya .

si kastaba ha ahaatee hadii mawqifka Somaliland iyo soomaliya inta cirka iyo dhulku isku jiraan ama sidaa u kala fog yahay maxay wadahadaladan wakhtiga isaga luminayaan?

waxaan u malaynayaa madaxda labada dal inay ogyihiin in aanay waxba ka soo baxayn, rajana ka qabin inay soomaliland is dhiibto ama soomaliya madaxbanaanida soomaliland aqoonsato laakiin qolo waliba waxay ka cararaysaa ama ku raali gelinaysaa beesha caalamka oo culays ku saartay in la wada hadlo sidaa awgeed dhinacna ma diidi karo kamana bixi karo wadahadalada hadaba mudo intee leeg ayaa lagu jiri karaa maaweelada?

maxaa looga warwareegayaa ujeedada dhabta ah ee bariba ku hor iman doonta? Soomalidu waxay tidhaahdaa “ Wax aanad Hurayn horaa loo yeelaa” .

dhanka kale waxa fiican Somaliland inay  codsato in madasha wadahadalada loo bedelo meel kale oo aan ahayn Turkiga, sababahan awgood :

Dawlada Turkigu waxay xidhiidh dhaw la leedahay dawlada soomaliya.

Soomaaliya waxay ku leedahay Turkiga Safaarad ergada dhinacooda ku kaabi karta warbixino iyo galaan gal diblomaasiyadeed.

Turkigu Somaliya wuxuu siiyaa deeqaha ugu badan isagoon wax shuruud ah ku xidhin.

Turkiga waxay dhibaato ka haysataa Qoomiyada Kurdiga oo mudo dheer dagaal hubaysan kula jiray dawlada si ay uga go’aan dalka Turkiga sidaa daraadeed qalbi furan kuma soo dhawaynayo dooda Somaliland, niyad ahaan waxay u jan jeedhaan dhinaca ka soo hor jeeda gooni u goosadka.

Inkasta oo waftiga Somaliland ka caban in dawlada Turkiga wax faro gelin ah ku hayso shirka hadana diblamaasiyiinta Turkiga ee loo xilsaaray fududaynta hawlaha shirarka ama kuwa u kala dab qaadaya labada dhinaca waxay si dadban saamayn ugu yeelan karaan wadahadalada.

Hadal iyo dhamaan wadahadalada Soomaliland iyo Soomaliya ee Istanbuul ka sii socdaa waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.

 

C/raxmaan Cadami

adbirahmanadami@yahoo.com