Hogaamiyihii Jarmal Ka Bari Erich Honecker Iyo Fidel Castro Oo 1977 Kii U Dhagar-Maleegaaya Soomaaliya

0
801

Picture2Fiiro gaar ah: (Qoraalka aan halkan ku turjumay wuxu wax ka iftiiminayaa dhacdooyin taariikheed oo Soomaalida iyo dadyawga Geeska Afrika ba dhibaato ka soo gaadhay. Dhibtaas inteeda u badan, (naf iyo maalba) waxay ku habsatay Soomaalida, ilaa maantadan na dhacdooyinkaas raadkoodii waan la noolnahay. Arinta koleyba aniga si gooni ah ii xiiso galisay, in aan qoraalkan turjumo na I gu kaliftay, waa sida way nee ay u ka la duwanyihiin sida ay masuuliyiintii Soomaaliyeed ee waagaasu u macneeyaan dhacdooyinkaas, iyo sida dhab ahaan ay xaaladu ahayd. Tusaale ahaan, waxay tilmaamaan in wadamadii uu Soofiyeedku hormuudka u ahaa ay taageero la ma filaan ah oo military iyo dhaqaale Itoobiya u fidiyeen, taasu na ay ahayd sababtii Soomaalida loo jabiyay. Waa run taasu qayb ahaan, oo taageeradii caalamiga ahayd ee Itoobiya ay heshay natiijadii dagaalka saamayn bay ku yeelatay, laakiin qaybta aanay masuuliyiintii Soomalidu runta ka sheegin, ee qoraalkani qeexayaa waa in Soomaalida loo cadeeyay in Itoobiya la taageeraayo hadii ay arintu dagaal noqoto iyo hadii kale ba. Digniinihii la siiyay askartii Soomaalida u talinaysay, ee Siyaad Barre uu hormuudka u ahaa way fahmi waayeen, ama in ay fahmaan ma ay doonaynin, wixii ka dhacay na warkeedii waan wada haynaa. Dhacdooyinkii dagaalkii 1977 ka horeeyay, dabeecaddii iyo hab dhaqan kii Siyaad Barre sida ay wadamadii shuuci gu u arkaayeen, iyo digniinihii Soomaalida la siiyay baa meeshan la gu sheegayaa. Akhris wanaagsan)

 

Qoraalkan waxa markii u horaysay la faafiyay – 6dii Ogosto, 2011.

 

Waa qaybo ka mid ah hadal-qoraalka kulan kii hogaamiyaha Jarmal ka Barri, Erich Honecker iyo Hogaamiyaha Kuuba, Fidel Castro. Kulan ka oo ku saabsanaa booqashadii uu Castro Itoobiya iyo Soomaaliya ku tagay, waxay masuuliyiintu cambaaraynayaan Siyaad Barre, waxay na falanqeeyeen sida loogu baahanyahay in Itoobiya iyo kacaanka ka curtay ba la taageero.

 

Kulanka madaxdaasu wuxu dhacay: Axad, 3 April, 1977.

11:00 subaxnimo ilaa 1:30 duhurnimo, iyo isla galabtaas, 3:45 ilaa 6:00 fiidnimo.

 

Bar-kulan ka: Xafiiska Gudiga Golaha Dhexe, Baarliin (Berlin)

 

Ka qayb-galayaasha – dhinaca Jarmal ka: Jaalayaal Hermann Axen, Werner Lamberz, Paul Verner, Paul Markowski (waxa weheliyay Jaale Edgar Fries iyo Jaale Karlheinz Mobus oo turjumaayay), iyo Kuubaan ka: Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo iyo Jose Abrantes.

– Jaale Erich Honecker wuxu si diiran u soo dhaweeyay Jaale Fidel Castro iyo jaalayaashii Kuubaan ka ahaa ee la socday. Aad baanu u gu faraxsanahay booqahadiina aad ku timaadeen Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Jarmalka (GDR), iyo is dhaafsiga xogaha ku saabsan booqashadaadii aad ku tagtay wadamada Afrika iyo Carabaha qaarkood. Aniga oo ku hadlaaya afka Xafiiska Siyaasadda, waxan mar kale ku celinayaa in aanu booqashadan u aragno mid muhiim ah. Waxan ka dalbanayaa Jaale Fidel Castro in uu hadalka qaato.

(16 kii bog ee hadal-qoraalka u horeeyay meesha waa ka maqanyihiin)

-Hadaladii Jaale Fidel Castro:

……Ka hor intii aanan ka amba bixin Cadan, waxan hogaankii Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Dadwaynaha Yemen (Yamen tii Koonfureed) ka codsanay in ay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah, si loo gaadho is faham dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Si wacan baa la ii gu soo dhaweeyay Soomaaliya. Waxan ka dalbaday in aan la samaynin wax isu soo baxyo dadwayne ah. Cashadii ugu horaysay ee Siyaad Barre aanu wada yeelanay, wuxu muujiyay jawi saaxiibtinimo. Ka hor safarkayga Soomaaliya, waxan ka helay warqad jawaab-celin ahayd oo daba socotay mid aan anigu horey u gu diray oo ku saabsanayd arinta xidhiidhka Itoobiya iyo Somaaliya. Sidoo kale, waxan diray wakiil Kuubaan ah si uu u la xaajoodo Madaxwayne ku xigaha Samatar (Cali-samatar) iyo Wasiirka Daakhiliga Sulaymaan (Axmed Saleebaan-dafle). Samatar wuxu matalaa kooxda Bidixda (Hantiwadaaga), Sulaymaan na wuxu matalaa garab ka Midigta (Hanti-goosiga). Hadaladii wakiilkayagu uu la yeeshay (Sulaymaan) waxay ahaayeen kuwo adag. Intii aanan Cadan ka tagin ba waxan haystay xog badan oo ku saabsan xalada Soomaaliya.

 

Waxa si joogto ah u soo kordhaaya awoodda iyo saamaynta ay leeyihiin kooxaha Midigta (Honti-goosi ga) ee ku dhex jira dawladda Soomaaliya. Wasiirka Daakhiliga, Sulaymaan wax kasta oo karaan kiisa ah wuu samaynayaa si uu Soomaaliya u gu jiido dhinaca Sucuudiga iyo wadamada Isticmaari ga ah. Wax kastaa waxay muujinayaan in uu Samatar awoodii lumiyay, oo ay koonaha u riixeen kooxaha Midig tu. Habeenkii koobaad, waxan doonaayay in ay ii ka la cadaato fikradda aan ka haysto Siyaad Barre iyo kacaanka ka curtay Soomaaliya ba. Wax wadahadal siyaasadeed oo adagi cashadaas koobaad ma dhicin. Siyaad Barre ayaa ii ga sheekeeyay Kacaanka Soomaaliya iyo marxaladihii uu soo maray. Maalintii xigtay na, waxan u baxnay kormeer balaadhan. Waxan booqanay mashaariic Kuuba ay dhistay, sida dugsi ga carbis ka maleeshiyooyinka, Iskuulka Beeraha iyo Iskuulka  caruurta reer-guuraaga ah. In kastoo aanu saacado ku qaadanay kormeerka, hadana ilaa intaas wax wada hadal siyaasadeed oo muhiim ahi ma dhicin, galabtii na waxa la qorsheeyay isu soo bax baladhan oo dadwayne, kaas oo ka dhacaayay garoonka kubadda. Waxan garawsaday in aanay doonaynin in wax wada xaajood ahi dhaco ka hor isu soo baxa dadwaynaha. Isu soo baxu wuxu bilaabmay iyada oo aan hadal sidaas ahi noo ka la bixin aniga iyo Siyaad Barre, sidaas darted na, aad baan u taxadiraayay. Wuxu ahaa qof is la wayn oo aad u daran. Wuxu doonaayay malaha in uu na cabsi galiyo.

Khudbadaydii aan isu soo baxa u jeediyay, waxan ku soo qaatay siyaasadda wadamada Isticmaariga ahi (Reer-galbeed ka) ay ka wadaan Gobol ka Bari ga Dhexe, door ka dib-u-socodnimada ah ee Sucuudi ga, iyo falka xoogagga kale ee dib-u-socod ka ah. Ogaan baan sidaas u sameeyay, waliba aniga oo ka war qaba awoodda way nee ay leeyihiin kuwa  la haya sidii ay Soomaaliya xidhiidh dhaw u la yeelan lahayd wadamadaas dib-u-socod ka ah. Waxan ka hadlay halgan ka Urur ka Xoraynta Falastiin (PLO), Kacaan ka Itoobiya, Kacaan ka Liibiya iyo, nidaamka hore-u-socod ka ah ee Aljeeriya, ee ay doonayaan in ay go’doomiyaan. Waxan ka hadlay Muusanbiik (Mozambique), markii u gu dambaysay uun na, waxan taabtay Soomaaliya iyo sida xoogaga Isticmaariga ahi ay u doonayaan in ay dib u celiyaan nidaam ka hore-u-socod ka ah ee ka jira. Siyaad barre ayaa dadkii ka qayb qaadanaayay isu soo baxa u sheegay qofka aan ahay, laakiin hal erey oo siyaasad ku saabsan ma odhanin. Intii aanu bilaabmin isu soo baxu, waxa la soo gabagabeeyay ciyaar kubad ah oo ka la badh uun maraysay. Ma hubo in ay ciyaartaasu qayb yar oo isu soo baxa ka mid ah uun ahayd, iyo in ay arintu ba sidaas cakis keeda ahayd. Khudbadaydu waxay ka hor jeeday kooxaha Soomaaliya dhexdeeda ee garabka midigta (hantigoosi ga), waxay na taageraysay kooxda Garabka Bidix (Hanti-wadaagga).

Waxan dareenay in gabi ahaan ba xubnihii Golaha Dhexe ay wada sacbiyeen, marka la ga reebo Saleebaan (Axmed Saleebaan-dafle) iyo dadkiisa. Cali-Samatar isagu aad buu u qanacsanaa, xataa waxa muuqatay in uu Siyaad Barre qudhiisu ka helay hadalkayga. Sidaas oo ay tahay, hadana isu soo baxaas idaacadda iyo Telefishan ka toona si toos ah loo ga ma baahinin. Fiidnimadii maalintaas uun baanu bilawnay in aanu guriga aan daganaa ka ga hadalno arimo xadidan oo siyaasadda ku saabsan. Waxa ii cadayd  in uu Saleebaan-dafle guriga aan daganaa ku rakibay qalabka wax la gu dhagaysto, sidaas darted na aad baan u taxadiraayay. La soco…..

 

 Aakhirkii fiidnimadaas ayuu Siyaad Barre bilaabay in uu ka hadlo Itoobiya. Wuxu ka la mid dhigay boqortooyadii Ruushka (Tsarist Empire), waxaanu sheegay in ay Itoobiya tahay gumaysiga kaliya ee haatan jira. Boqortooyadii Ruush ku waxay meesha ka ga baxday xikmaddii Lenin, laakiin Itoobiya ayay qudheedi ka dhisantahay – ayuu yidhi. Waxa jirtay wakhti hore in uu Siyaad Barre Itoobiyaan ka u soo jeediyay in ay labadooda wadan fadaraali ama xataa midnimo wada galaan, oo aanay iyaku na ka jawaabin, laakiin imika Itoobiyaan ka ayaa ba xalka qudhiisii wada. Si aad u xamaasadaysan buu u ga hadlay dadaaladiisa ku saabsan xal uu Itoobiyaan ka la gaadho. Aniga oo fursadda ka faaiidaysanaaya, waxan u sheegay in aan maalinta barito ah u safraayo dhinaca Itoobiya, waxaanan waydiiyay in uu diyaar u yahay kulan uu Mingisto la yeesho, waanu aqbalay.

Maalinti xigtay ba waxan u duulay Itoobiya, horey na waxan isu la qaadanay in aan soo dhawayn balaadhan la ii samaynin. Xiligaas waxay ku jireen oo soconaayay dagaalkii sokeeyaha, xabadaha dhawaaqooda na waa la maqlaayay. Markii aan gaadhay ba Mingisto wuxu ii kaxeeyay qasrigii qadiim ka ahaa ee Boqortooyada, wada hadal kayagu na durbadiiba wuu bilaabmay. Waxa ii cadaaday xogihii aan hore u haystay. Maalintii xigtay na waanu sii wadnay wada xaajoodkii. Taxadir dheeraad ah oo dhinaca amniga ah in aan qaadanay la ma filaan may ahayn. La soco……….

 

 

 sidaas darted Itoobiyaan ku waxay keeneen koox ciidamadooda ah, aniga na waxa I la socday askar Kuubaan ah. Maalintii aan imid  waxa la is la dhex maraayay warar sheegaaya afgambi, laakiin waxba ma dhicin. Waxa sii xoogoobay dareen kayga ah in kacaan dhab ahi uu wadankan ka curanaayo. Wadankan boqortooyada dhul-goosiga ah soo ahaan jiray, haatan dhulkii ayaa loo qaybinayaa beero-falatada sabool ka ah. Hal kii beerwale ba waxa la siinaayay 10 higtar . Magaalooyin ka qudhooda waxa ka socota dib-u-habayn. Waxa la soo rogay in muwaadin kii ba uu hal guri uun yeelan karo. Dhulal baa loo baneeyay si guryo cusub loo ga dhiso. Sida oo kale, waxa jira dhaqdhaqaaq balaadhan oo xoog leh. Magaalada caasimadda ah dhexdeeda, waxa suurowda in si la ma filaan ah nus malyan qof dad gaadhaaya la gu abaabuli karo. Waftigii bishii Febraayo aanu dirnay, ka dib markii ay soo qiimeeyeen qaybaha ka la duwan ee ciidamada qalabka sida, waxay go’aamiyeen in laba mooyee boqolaalka Janaraal ee ciidanka la wada caydhiyo.

 

Saraakiisha ciidamada, iyo saraakiil-xigeen shaqada ka fadhiyay ayaa haatan wadanka caynaanka u haya. Hogaanka wadan ku waxay ka fikiraayeen sidii ay xisbi u samayn lahaayeen. Meeshaas waxa ka jira halgan daran oo u dhexeeya dabaqadaha danyaar ta ah, iyo dhiigmiiratada (dhul-goosi ga) wadanka. Koox yar oo ah dabaqadda burjuwaasiyiinta ayaa doonaaya in ay kacaanka dadka ka hor keenaan. Jabhad gooni u goosi ah oo xoogan baa dhinaca Ereteriya ka jirta. Halis muuqata ayaa dhinaca Suudaan ka ga furan, halka Soomaaliya na ay sheeganayso ka la badh dhulka Itoobiya ka mid ah. Muddo ku siman ilaa shan boqol oo sano, ayaa gobol kaas ay ka jireen dagaalo ku salaysan dhulka. Mingisto wuxu I ga ga yaabiyay in uu yahay nin degen, daacad ah, oo aan dheeldheelaynin,  aaminsan na quwadda dadwaynaha. Waa shakhsiyad garaad badan, xikmadiisa na wuxu muujiyay saddex dii Febraayo. Kooxaha Midig ta (Hanti-goosi ga) ayaa qorsheeyay in ay ka takhalusaan kooxda Bidix da (Hanti-wadaagga). Qorshahan waxa bilaw u ahaa khudbad xooggan oo Madaxwaynuhu (Tafari Bantay) uu jeediyay, oo uu ka ga hadlay wadaniyadda. Mingisto wuxu ka ga hor tagay afgambi gaas, isaga oo isugu yeedhay shir ay ku kulmaan golihii kacaanku, kaas oo dhacay saacad ka hor xiligii loo qorsheeyay. Kulanka dhexdiisii, Mingisto wuxu xidhxidhay kooxihii Midig ta, waanu wada toogtay.

 

Maalintaas (3dii Febraayo, 1977) Itoobiya waxa ka hirgalay go’aan leh saamayn xoogan. Khariiraddii siyaasadda ee wadan ka ayaa is bedeshay, waxaana la qaaday talaabooyin aan suurtagal ahayn ka hor 3dii Febraayo. Awal hore kooxaha Bidix da (Hanti-goosiga) si dadban uun baan u taageeri karaynay, laakiin hadda si toos ah, oo aan wax xanibaad ah lahayn baan u saacidi karnaa. Mingisto waxan waydiiyay in uu diyaar u yahay in uu magaalada Cadan Siyaad Barre ku la kulmo iyo in kale, waanan isla ogolaanay. Markii wada xaajoodku noo dhamaaday ba, waxan u duulay dhanka Cadan. Subaxnimadii ba Siyaad Barre wuu soo gaadhay Cadan. Mingisto ma imaanin ilaa galabnimadii dambe. Waxan la sheekaystay Siyaad Barre, waxaanu la baxay cidiyahiisa. Wuxu I gu yidhi – hadii uu Mingisto yahay Kacaanyahan dhab ah, waa in u sameeyaa sidii Lenin oo kale, ka na baxaa dhulkayga. Mawqif aad u adag buu istaagay. Waxan ku idhi – ma waxad dareensantahay in aanu Itoobiya kacaan dhab ahi ka curanin, isla markaana Mingisto aanu ahayn hogaamiye hanti-wadaag ah oo dhab ah? Wuxu I gu yidhi – haa, Itoobiya wax Kacaan ahi ka ma curanin. Markii aan Muqdisho la joogay, Siyaad Barre waxa uu I tusay khariirad muujinaysa dhulka Soomaali-wayn, oo ay ku jirto nus dhulka Itoobiya ka mid ahi. Ka dib hadaladii aan Siyaad Barre la yeeshay, waxan la kulmay Mingisto, waxaanan u ga waramay hab-dhaqan ka Siyaad Barre, aniga oo ka codsaday in uu degenaan muujiyo.

 

Dhab ahaan waan ka xumaaday in aan Mingisto Cadan ku marti qaaday, xili amuuro qaydhini ay ka jiraan wadankiisa, iyo xaaladaha sidaas u murugsan, in uu dhagaysto doodda Soomaaliya ee dhul doon ka ah. Waxan la soo qaaday xaaladda ciidamada Itoobiya, waxaanu ii sheegay, in kasta oo ay dhibatooyin iska jiraan, hadana in ayna u muuqanin halis inqilaab oo taagani. Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay kolkii uu shir ku furmay. Siyaad Barre waa Janan (General) wax bartay xiligii isticmaarka. Kacaanka Soomaaliya waxa hogaamiyaa waa jananno (generals) awood badan yeeshay xiliyadii gumaysiga. Anigu fikradda aan Siyaad Barre ka qaatay markaas ba way ii cadayd. Wax kale ma aha ee waa uun qof ‘qab-bilaash’ ahi ka dhaadhacsanyahay. Qab-bilaashnimadu waa xaqiiqada ugu muhiimsan ee Siyaad Barre. Hanti-wadaagnimadu waa qolof sare oo uu u ga jeedo uun in uu dadka ku soo jiito. Wadamada Hanti-wadaagga ah ayaa hub ku taageeray, isagu na hanti-wadaagnimada mabdd’a ahaan u ma haysto, dadwaynaha uun buu ku maaweeliyaa. Xisbi gu na waxa kaliya ee uu u jiraa waa in uu awoodiisa shakhsi ga ah ku ilaashado. Xukunka Siyaad Barre marka la eego, waxa isku jira is-dhalyo aan dabiici ahayn oo ka timid isku darka niman askar ah oo soo maray iskuuladii gumaystaha, iyo is muujin hanti-wadaagnimo. Isku soo wada duuboo, Siyaad Barre wax ka mid ah Hanti-wadaagnimada ayaa soo jiitay, waxa se wadanka si wayn u ga jira ka la sed-roonaan iyo cadaalad darro. Guud ahaan na, fikradaha dhabta ah ee Siyaad Barre waxay ku qotomaan waa wadaniyad iyo qab-bilaash ah, ma aha Hanti-wadaag.

Hadaf kiisu waxa uu yahay waa uun Siyaasad duugowday: saaxiibtinimo iyo ereyo macaan. Siyaad Barre wuxu u hadlaa sida nin xikmaawi ah oo kale; kaliya wuu hadlaa uun. Hogaamiyayaal siyaasadeed oo badan, oo aan aqaano aad buu u ga duwanyahay. Hogaamiyayaasha Masar (Anwar Sadat), Aljeeriya (Houari Boumedienne), Mozambique (Samora Machel), Angola (Agostinho Neto) iyo kuwo kale oo badani ba waa shakhsiyado adag. Sidaas oo ay tahay, hadana way ku dhagaysan karaan, ma na aha kuwo qandhadh ah oo mar kasta isla quman. Dhamaantood waa kuwo la la hadli karo. Siyaad Barre wuxu isu qabaa in uu gaadhay figtii ama heerkii u gu sareeyay ee xikmadda. Ilaa iyo imika arimuhu si toosan bay u gu socdaan. Talyaani ga iyo Ingiriis ka ayaa janan (General) ka dhigay. Kacaankii isla daqiiqaddii ba wuu hirgalay, iyada oo aan xataa hal xabad na la ridin. Waji Hanti-wadaag buu soo gashaday, caawimo dhaqaale iyo hub na Soofiyeed ka (Soviet Union) ayuu ka helay. Wadankiisu waa mid muhiimad saraysa leh, isagu na wuxu jecelyahay mudnaanta. Barre aad buu isu gu khushuucsanyahay. Hadalkiisa ku saabsan Hanti-wadaaggu ma aha mid la xamili karo. Waa hanti-wadaag ga ugu wayn; toban erey ma odhan karo isaga oo aan hanti-wadaagnimada soo qaadin.