Waa Maxay Siyaasadda Maraykanka Ee Somaliya?

0
588

Picture3Siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Somaliya, waxay u muuqataa mid muujinaysa taxadar badan, waxaanay ku qotontaa laba qodob oo ah inaanay gudaha u gelin cabsida argagixiso ee ka jirta Muqdisho, darteed balse ay haddana lugaha kula jirto xaaladdaha ka jira.

 

Labaatan sannadood ka dib soo riditaankii diyaaradii Black Hawk Down ee Xamar lagu soo riday, maamulka Madaxweyne Obama si tartiib ah ayuu u doonayaa inuu u kobciyo xidhiidhka uu la leeyahay Somaliya, waxaana magaalada Muqdisho safaro ku taga qaar ka mid ah diblomasiyiinta Maraykanka. Sababta Maraykanka ugu wacan ka sokow colaadaha Somaliya inuu taxar dheeraad ah muujiyo waxa ka mid ah dhaawicii maamulka Obama ka soo gaadhay diblomaasigii Maraykanka ahaa ee lagu dilay magaalada Benghazi ee wadanka Liibiya, sidaas markay tahayna waa in Maraykanku muujiyaa taxadar dheeraad ah si aanay dhibaato kale ugu dhicin.

Hase yeeshe haddana safaro ayay diblomaasiyiinta Maraykanka ahi ku tagaan Muqdisho. Wakaaladda wararka ee AP ayaa toddobaadkan qortay warbixin ay ku sheegtay in saraakiisha Maraykanka ah ee isaga goosha Nayrobi iyo Muqdisho ay ugu yaraan laba toddobaad ku qaataan xayndaabka madaarka Muqdisho oo ay saldhigyo amni ku leeyihiin ciidamada AMISOM. Saddex ka mid ah diblomaasiyiintan ayaa AP u sheegay inaanay weligood banaanka u dhaafin madaarka Muqdisho, iyagoo ka cabsi qaba weerarada joogtada ah ee ay Al-Shabaab Muqdisho ka fuliso, waxaana madaarka Muqdisho ugu taga oo diblomaasiyiintan kula kulma masuuliyiinta dawladda Somaliya.

Inkastoo ay diblomaasiyiinta Maraykanku safaradaas ku tagaan Muqdisho, haddana wax war ah lagama hayo goor uu Maraykanku safaarad amaba qunsuliyad ka furanayo Somaliya, sansaankeeduna ma muuqdo. Waxaanay taasi muujinaysaa in siyaasadda Maraykanku tahay lugna baqe kula joog, lugna nabad.