Gobalka HAWD Oo Final U Baxay

0
823

Xulka gobalka HAWD ayaa si rasmi ah ugu gudbay ciyaarta Finalka ee kama dambaysta ah ka dib markii uu 1-0 maanta kaga adkaaday gobalka Awdal.

Ciyaartan oo ahayd semifinal, waxa uu gobalka HAWD goolkiisa koowaad keensaday markii ay qaybtii hore ee ciyaartu wakhti kooban socotay. Inkastoo uu gobalka Awdal la soo baxay ciyaar qurux badan oo uu isku mashquuliyay inuu gool barbar dhac ah keensado haddana uma ay suurtogelin.

Waxaanay guushii raacday gobalka HAWD oo u baxay ciyaarta u dambaysa, waxaanay la ciyaari doonaan hadba gobalada Hargeysa iyo Sool midka adkaaday ciyaarta khamiista berri.

u_51755d_2011-12-4-1-5-53f_VVVVVVVVVVVVVVVVVVVV