Waa Ay Rumowday In Aanu Jacaylka Dhabta Ahi Guurin: Muddo Dheer Kadib Ayaanu Ninka Ku Sii Laba Kacleeyaa

0
884

Picture2London (Geeska)-Jacaylku waa shucuur yaab badan oo muran iyo dood joogto ah weligii dhex dhigi jiray, suugaanyahannada iyo khubarada cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada… Ma jiraa, mise waa malo awaal? Ma dareen nafsi ah baa mise waa bukaan cilmi saynisku sugay oo jira? Haddii uu jiro illaa xadkee uu ruuxa dhig gaadhsiin karaa marka u fashilma? Iyo tobannaan su’aalood oo la mid ah Ayaa ka mid ah murannada qarniyo soo jiray ee aan illaa maanta jawaab keliya la isku raacin.

In badan ayaa aynu aragnay daraasado cilmi ah oo xaqiijiyey in uu jacaylku yahay wax jira balse halkii aynu abid ka baadhaynay ee ahayd wadnaha aanu shaqo ku lahayn, degis iyo godad uu ka samaystaa ha joogto e, aanu xataa weligii marti ku noqon, waxa ay daraasadahaasi ku adkaysteen in cilmi ahaan la ogaado inuu jacaylku dego qayb ka mid ah maskaxda oo ka masuul ah soo deynta hormoonno iyo jawaab celinno kiimikaad oo qofka ku beera dareenkiisa oo firfircoonaada isla markaana uu dareemo in qofkani uga dhowyahay dadka kale oo dhan, iyo in aanu awoodin inuu qofkan sinaba uga go'o.

Wargeyska Sunday Time ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo uu Wargeska Geeska Afrika soo xigtay ayaa faafiyey natiijada daraasad cilmi ah oo ay samaysay jaamacadda Stony Brook oo ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka. Baadhitaan lagu sameeyey lammaaneyaal is-qabay muddo 20 sano ah iyo kuwo dhowaan is guursaday, iyada oo la eegayo qaabka shaqo ee maskaxdooda ayaa lagu xaqiiqsaday in kuwaa isku raagay iyo dhalinta cusub isku nooc ay maskaxdoodu ula jaan qaaddo ulana shaqayso jacaylka. Sida uu wargeysku sheegayo, waxa ay natiijada daraasaddani beenisay aaminsanaantii abid soo taxnayd ee sheegaysay in jacaylka iyo doonista jinsiga ahi xooggan tahay marka xudhiidhka is-barasho ee labada qof dhow yahay. Waxa ay daraasaddu tilmaamtay in boqolkiiba 10 ka mid ah dadka muddada is qabay maskaxdoodu jacaylka ula jaan qaaddo ugana jawaab celiso si la mid ah lammaanayaasha is dhowaan bartay, gaar ahaan marka la eego shucuurta ay bixiyaan marka ay arkaan sawirka qofka ay jecel yihiin. Dhanka kalana waxa ay daraasaddu sheegtay in dareenka jacayl ee dadka muddada is qabay ku xooggan yahay ragga marka dheddig iyo lab la isu barbardhigo lammaanaha. Waxa jiray daraasado hore oo iyagu tilmaamay in aanu jirin wax la yidhaahdo jacayl waara, muddada ugu badan ee uu jacaylku jiri karaana ay tahay 12 illaa 15 bilood.