USA iyo UK Oo Hambalyo U Soo Diray Madaxweynaha La Doortay Iyo Shacabka

60
3717

Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Maraykanka Iyo Ingiriiska ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka Somalilandba.

Barta uu twitterka ku leeyahay xafiiska Maraykanka ee Nayrobi degen ee qaabilsan arrimaha Soomaalida, ayaa waxa qoraal lagu baahiyay uu Maraykanku ku balan qaaday inuu la haqayn doono madaxweynaah la doortay iyo xukuumadiisa. Maraykanku wuxuu ku yidhi qoraalkiisa “Maraykanku waxay u hambalyaynayaan dadka reer Somaliland guusha doorashadii madaxweynenimo, waxay sidoo kale soo dhoweyneysaa madaxweynaha la doortay Muuse Biixi, waxeyna rajeynaysaa iney la shaqeyso xukuumaddiisa.”
Sidoo kale dawlada Ingiriiska ayaa iyana balan qaaday wada shaqayn horleh inay la yeelan doonto madaxweynaha la doortay. Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya danjire Ambassador David Concar, oo muuqaal soo duubay wuxuu hambalyo ugu diray madaxweynaha la doortay oo uu balan qaaday in dawladiisu si dhow ula shaqayn doonto,isagoo yidhi “Waxaanu rajaynaynaa inaanu si dhow ugala shaqayno madaxweynaha la doortay iyo xukuumadiisa danta dhammaan dadka reer Somaliland. Waxaan sidoo kale doonayaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan hambalyeeyo shacabka Somalialnd sida ay u guteen xaqoodii dimuqraadiga ahaa ee ay ugu codeeyeen si nabadgleiyo masuuliyad leh.”
Danjiraha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Somaliland waxay taariikh wanaagsan oo cajiib ah ku leedahay isku wareejinta awoodaha si nabadgelyo ah, Ingiriiskuna wuxuu rajaynayaa inuu arko in la sii wado dhaqankaas natiijadan doorashada, markaas Somaliland iyo dadkeedu waxay tusaale kale ugu noqon karaan dadka kale ee gobalka hirgelinta dimuqraadiyadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here