Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Xukuumadu Baacsanayso Saraakiisha Iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani

30
3534

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa xukuumada ku dhaliilay inay wado dhibaataynta masuuliyiinta iyo taageerayasha xisbiga Waddani, waxaanu ugu baaqay ciidanka booliska in aanay warbaahinta uga hanjabin shacbi weynaha reer Somaliland. Xukuumadda ayaa shalay madaarka ka qabatay Dr. Maxamed Yaasiin oo ka tirsan xisbiga Waddani oo dhawaan soo bandhigay mid ka mid ah buugaagtii doorashooyinka.

Cabdiqaadir Jirde waxa uu ugu baaqay madaxweynaa la dooray inuu meesha ka saaro habdhaqanka ciidanku uu u hanjabaayo shacbiga, waxaanu dhaliilo xoogan u jeediyay ciidamada oo uu tilmaamay inay siyaasadii ku dhex milmeen.
Cabdiqaadir Jirde waxa uu arimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargyesa waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa saaka (Shalay ) madaarka lagu qabtay oo laga celiyay nin ka mid ah qurba joogii xisbiga,waxa kale oo nagu maqaalo ah dad kalena liiskooda ayaa meesha yaala waxyaabii aanu ka digaynay waataas durba bilaabmatay ninkaas waxa lagu haystaa buugii komishanka ka lumay ee uu saxaafada soo dhigay, buug uu been abuuray muu ahayn’ komishanku xilkiisii uu ku fashilmay ayay ahayd inay ceebtooda qarsadaan bay ahayd inay maanta dacweeyaan may ahayn, xaq waxaanu u lahayn maalinta buugaas iyo buugta kale ay suuqa soo gashay inaanu ku adkaysano komishanku hays casilo, waxaanu is nidhi nabadgalyada iyo doorashada khalkhal ha galinina waanu kala xishoonay inay maanta iyagii dacwoodaan oo ay yidhaahdaan cidbaa nagu been abuuratay waa ayaan daro, waxay ahayd haddii maskaxdu shaqaynayso ninkii gobalka Saaxil joogay ee buugtiisa adkaysan kari waayay inuu markiiba is casilo ayay ahayd.”
Guddoomiyaha kumeelgaadhka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa kale oo jira dad shacab ah oo haday gadoodaan taayir wax ka badan oo ay meel ku gubaan iyo dhagax ay tuuraan mooyaane ayaa rasaas nool la’la dhacay, waxay ahayd in maanta gudi qaran la saaro oo ciddii amarkaas bixisay laga dabo tago cisbitaalada international waxaanu ugu tagnay carruur rasaasi ku taalo, in maanta taliyihii ciidankiisu mashaqadaas gaystay uu meel walba kaga hanjabo gacan bir ah ayaanu wax ku qabanaynaa waa aayaan daro iyo aqoon daro,waar masiibadaas uu ciidankaagu gaystay baadhitaan ku samee, askarigaas dadka hoosta ugu dhigay yaa amarka siiyay, dhiiga dadka yaa xalaaleeyay.”
Cabdiqaadir Jirde oo la hadlaayay madaxweynaha la doortay waxa uu yidhi”waxaan u sheegayaa madaxweynaha loogu dhawaaqay yaan bilowgu kaa xumaan ee dhaqamadii hore ee jiri jiray ee lagu shaqayn jiray maanta adiga ayaa masuuliyadeeda leh ee wax ka badal ciidamadaas shaashada soo fadhiisanaya ee shacabka u hanjabayana yaanay dib u soo noqon, nin ciidan ah ayaad ahayd sarkaalka ciidanku inuu dadka u hanjabo maaha,haddii cid hadlayso waa inay wasaarada arimaa guduhu ay hadashaa isagu waa fuliye oo amniga gacanta kuma hayo.
Haddii aad ku sii wado siday ahaan jirtay adiga iyo umaddu lix bilood isla gaadhi maysaan,ma doonayno inuu dalku khalkhal galo, waxaanu doonaynaa inuu dalkani nabad helo, waxaanu doonaynaa inuu dalkani badhaadho. Waagii markuu kuu baryayba haddii aanu aragno in taageerayaashii xisbiga la ugaadhsanaayo, waanu ka jawaabi doonaa, ninka kursiga fadhiyaa isagaa nin walba ka nugul wakhti aad wax ku badasho ayaanu ku siinaynaa, waxaadse ku talo gashaa in aanan gacmaa laabanayn oo in alle iyo inta sharcigu inoo ogol yahay iyo waxii kale ee aanu xirfad ku keenaba inaanu kaaga hor iman doono, waktigaas gaaban ee xisbiguna uu kuu samraayo ee aanu taageerayaashayada gacanta ku hayno aanu ka aragno talaabooyin dhaqdhaqaaq oo isbadal keena oo aad waliba haayadaa amniga wax kaga qabato oo dadkaas xidhxidhan ee gobal walba ku xidhan ee xisbiga loo xidhay xoriyadooda loo soo celiyo oo kuwa dhaawacmay iyo kuwa dhintayba magdhawgoodii la siiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here