Ururka Aqoon Kalkaal Oo Munaasibad Ku Qaabilay Masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay

0
612

Hargeysa(Geeska)-Ururka Aqoon Kalkaal ayaa munaasibad balaadhan ku qaabilay masuuliyiin uu dhawaan magacaabay madaxweyne Siilaanyo oo ka soo jeeda gobolka Hawd.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu horayn faah faahin ka bixiyey afhayeenka ururka Aqoon Kalkaal Saacid Cabdi Ciise kaas oo ka waramay ujeedada munaasibadan waxaanu yidhi “ujeedada aanu xafladan u qabanay waxa weeyaan inaanu u ducayno oo aanu soo dhawayno wasiirada cusub, agaasimayaasha iyo safiirka cusub ee dawlada somaliland u fadhiyi doona dalka Ethiopia.”

Wasiirka cusub ee dhaqanka iyo dalxiiska somaliland Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in xukuumadu dhawaan fulin doonto mashaariic horu marineed oo laga fulinayo deegaanka gobolka Hawd waxaanu yidhi “Xukuumadu diyaar ayey u tahay sidaan ka arkay inay wax qabato, waxaanan madaxda dawlada qaar ka mid ah ka wada hadalnay hawshii riiga biyaha ka soo saaraya Balli-gubadle kaas oo dhaqaalihii ku bixi lahaa la sii daynayo todobaadkan soo socda.” Ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji.

Safiirka cusub ee somaliland u fadhiyi doona dalka Ethiopia oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan wasiiradu waa wax soo kordhay, wasiirada soo kordhayna laba ka mid ah aniga ayaa sabab u ahaa, maantana waxaynu haysanaa safaarada ugu weyn ee dalku leeyahay ee aqoonsiga buuxa haysata oo ah safaarada Itoobiya.”

Wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Liibaan Yuusuf Cismaan oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa  amaanay sida ay  dhalinyaradu uga dhex muuqdaan xukuumada madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “Dhalinyaradu waa inay siyaasada iyo xisbiyada ka muuqdaan walibana waxaan kula talinayaa xukuumadii jabisay caqabada haysatay dhalinyarada inay halkaas ka sii wadaan dhiiri gelinta dhalinyarada dedaalkana halkaas ka sii wadaan.”

Ugu dambayna wasiirka cusub ee qorshaynta qaranka somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyatire) oo isaguna munaasiban ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa inoo cadaatay inaynu nahay xisbiga Kulmiye oo aynaan kala maarmayn, waxa kale oo inoo cad  haddii aynu nahay deegaanka soo jeeda shantaas gobol inaynu geedka jiridiisa haynayno.”