Maxaa War Laga Hayaa Wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo?

0
542

Addis-Ababa(Geeska)-Wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, ayaa shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ma jiro wax war ah oo bilowga wada hadalada laga soo saaray.

1

Laakiin, wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka shalay uu istaagay, ka dib markii lagu heshiin waayay hal qodob oo ay soo dhigeen ergada Khaatumo, kaas oo uu nuxurkiisu ahaa in la helo cid dhexdhexaadiye ah oo dhex joogta wada hadalada. Qodobkaas ayaa la sheegay inay dhinaca weftiga Somaliland diideen, iyagoo ku dooday inaanay jirin sabab keenaysa baahida loo qabo dhinac saddexaad, maadaama oo aan waxba la isla diidanayn.

Hase yeeshee, wada hadalada ayaa mar kale maanta dib u bilaabmaya, waxaana la sheegay inuu labada dhinac isu soo dhaweeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.