Ururka Adkaynta Qaranimada Somaliland Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

0
609

Hargeysa(Geeska):-Ururka Adkeynta qaranimada jamhuuriyada Somaliland [Somaliland patriots Appeal SPA] ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo ku dhawaaqida ururkan loogu qabtay  Green Plaza  ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, wasiirkii hore ee maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Sheekh Aadan Siiro, Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo badan.

Gudoomiyaha ururka Adkaynta qaranimada Somaliland Mr. Khadar Maxamed Cumar oo ka hadlay munaasibada lagu daah furayey ururkan ayaa ka waramay ujeedada ka dambaysa in la hir geliyo waxaanu yidhi “Ururkan waxa aas aasay dhalinyaro reer somaliland ah oo mutadawaciin ah  kuwaas oo ku tala galay in dhalinyarada somaliland Saylac ilaa Laas Qoray inay gaadhsiiyaan muwaadinimada, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ka jira dalka soomaaliya kuwaas oo soo abaaray dhalinyaradeena somaliland iyaga oo doonaya inay xagooda yimaadaan, waxaanan xooga saari doonaa in muwaadiniinta somaliland ee dhalinyarada ah ku dhiiri gelino waxay wadanimadu tahay iyo wixii dalkan iyo dadkani soo maray si aynu u noqono dal jira oo siyaasiyiintiisa dhalinyaradiisu gacmaha is haystaan.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey ururkan waxaanu yidhi “ Qaranka waxa dhisa hogaamiyaha, siyaasiyiinteenuna waxay ciyaarayaan kaadhka qabiilka idinkaa toosay ee ka xanaaqay waxa ka socda Xamar ayey idin kala qaybinayaan oo ay odhanayaan reer hebel ayaa doonaya inay Ina qabsadaan, qolo kastanaa waxay doonaysaa inay samaystaan dawlad shano sano ah oo reerkooda matasha,dawlad qaran oo umada oo dhan matalaysa cid ay qalbiga kaga jirtaa ma jirto, dadka la  isticmaalayaana waa dhalinyarada.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waan idin hambalyeynayaa aragti fiicana waad leedihiin , ku dhawaaqa oo ku qayliya kuwa xagaas(Xamar) inaga tagayna liiska madow ku qora, inaanay somaliland ku soo noqonayna u sheega.”

Dr. Bulxan oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu doonaynaa qaranimo, markii aynu xoriyada doonayna waxa loogu magac daray  Maandeeq ah oo ah hal ina wada deeqda, markaa waxaan leeyahay Maandeeqna halaga xoreeyo qabyaalada, taariikhdeedana aynu dib u eegno oo wixii wanaagsan aynu ka hadalno, rajo beel yeynaan noqon ee rajo ku nool aynu noqono.”

Sheekhul baladka magaalada Boorama Sheekh  Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay  inaanay meel wada galayn qabiilka iyo qaranimadu “Qabyaaladi fool xumo ayey leedahay qarana laguma dhisi karo, nabadna waxaynu ku adkaysan karnaa inaga oo qaranimo u dhaqana laakiin suuroobi mayso qabiilna waan ahaanayaa nabadna waan ahaanayaa, qabiilku waxbuu doonayaa qaranimaduna wax gaara ayey rabtaa.”

Sidoo kale sheekh Aadan Siiro, Cabdilaahi Jaamac Geeljire, Carfi Jaamac Cali, Abwaano, xildhibaano iyo marti sharaf kale oo ka hadlay munaasibadan ayaa ku dheeraaday muhiimadu uu ururkani leeyahay kuwaas oo soo dhaweeyey ku dhawaaqistiisa.