Madaxweynaha Oo Shahaado Sharaf Ku Maamusay Agaasimaha Qorshaynta Ee Wasaarada Qorshaynta

0
903

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) ayaa maalintii Sabtidii, 29/07/2017 daahfuray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad (2017-2021). Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Ambassador, taas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshada, qaadhaan bixiyaayasha iyo madaxda xisbiyada ayaa madaxweynuhu ku gardaadiyey qorshahan cusub ee qaranka lagu hagi doono.

Markii munaasibaddaasi lasoo afmeeray ayaa uu Maxadexweyne Siilaanyo shahaado sharafyo ku maamusay masuuliyiintii iyo hawlwadeennadii ka soo shaqeeyey qorshahan. Dadkii uu shahaado sharafta ku maamusay waxa ka mid ahaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta mudane Mubaarik Cabdilaahi Ibraahim (Daljir) oo ahaa masuulkii hormoodka u ahaa kooxdii heer farsamo (Technical Team Leader) ee diyaariyey Qorshaha Horumarinta Qaranka ee labaad.

Mubaarik waa aqoonyahan da'yar oo dalka kudihiisa iyo debaddiisaba wax kusoo bartay. Waxa uu bartay culuumta dhaqaalaha oo uu shahaadada labaad ee heer jaamacadeed (Masters Degree) ka gaadhay. Sidoo kale waa macalin culuumta dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadaha Magaalada Hargeysa.  Arrintani waxa ay dhiirri-gelin weyn u tahay guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland oo ay ku dhiirrin doonto inay dalkooda iyo dadkooda u wax u qabtaan, dedaalna muujiyaan.