Ururada Aqoonsiga Somaliland U Dooda Ee Ingiriiska Degen Oo Walaac Ka Muujiyay Hab Dhaqanka Xukuumadda Ee Saxaafadda Iyo Qoraalka Ay U Soo Direen

0
691

siilaanyo1London(Geeska)-Kooxda Somaliland Focus UK, oo ah aqoonyahano u dooda qaddiyadda madaxabanaanida Somaliland oo intooda badani u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ula macaamisho saxaafadda madaxabanaan ee dalka.

Kooxdan oo si weyn codkooda u doodista Somaliland looga dhagaysto dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay bishii January ee sannadkan qoraal u soo direen xukumadda Somaliland, taas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin xaaladda saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland oo shanta bilood ee sannadkan 2012 la xidhay 53 saxafi.

Wakaalad warareed oo caalami ah oo shalay wax ka qortay saxaafadda Somaliland iyo dhibaatooyinka haysta, ayaa waxa ay warbixinteeda ku tidhi “Xitaa ,Somaliland Focus UK, koox hore goob-jooge uga ahayd doorashada, oo si weyn u taageera horumarka Somaliland, iskuna xilqaamay sidii ay ugu doodi lahaayeen helitaanka aqoonsi caalami ayaa walaac qaba. Horaantii sannadkan, kooxdaasi waxay warqad u soo direen wasiirkii Warfaafinta, kaas oo ay kaga dalbanayaan dib-u-habayn lagu sameeyo sharciga saxaafada Somaliland, isla markaana la sameeyo isbedel ku aadan siyaasada xukuumada ee suxufiyiinta. “

Qoraalkaas oo ay magaalada London ka soo dirtay Ms. Cecilia Milesi, ayaa waxa ay ku tidhi “Talaabooyinka lidiga ku ah saxaafadu heer laga murugoodo ayey gaadheen xilligii xukuumadii hore joogtay. Isla markaana waxaan si weyn uga niyad-jabnay aragtida in xukuumada xilligan weli ku socoto adeegsiga talaabooyinkaa hore oo kale.” .

 

Mr. Michael Walls oo isna ah ajaanib si weyn ugu dooda qaddiyadda Somaliland, kana qayb qaatay in natiijadii doorashadii madaxtooyada ee Somaliland si weyn ugu faafto caalamka, ayaa wuxuu shabakadda Think Africa press, u sheegay “Waxaan qabaa in kalsooni daro ka jirto dhinaca xukuumada,” ayuu  Michael Walls oo ka tirsan Somaliland Focus UK u sheegay Think Africa Press, waxaanu taaciyay “Waxaanay si bayaansan ula macaamili Karin sida loola dhaqmayo halisaha amaanka, sidoo kale aqoon uma laha sida loo kala saaro dhaliilaha fudud iyo kuwa ku dhiirin  bulshada inay rabshado sameeyaan, iyo kuwa mushkiladaha balaadhan keena.”

Rooble Maxamed, oo ah saxafi madaxbanaan oo isna ay wakaaladani la kulantay ayaa soo hadal qaaday dhibaatada kala haysata saxaafada iyo ciidamada Booliska, waxaanu sheegay marka ay wax ka dhacaan suuqa oo kale inay ciidamada ammaanku saxaafadda u diidaan inay sawiro qaataan iyagoo ka fikiraya dhinaca ammaanka, “Laakiin taasi.” Ayuu yidhi Rooble, “Waxay dhibaato ku keenaysaa saxaafadda oo shaqadoodii gudan kari weyda iyo bulshadii xaqiiqda loo gudbinayay oo iyaguna muuqaalo xaqiiqa waaya.”