Maxkamadda Milatariga Oo Xukuno Dil Iyo Xabsi Daa’ina Isugu Jira Ku Riday Kooxdii Ciidanka Qaranka Weerartay

0
3810

hubkiiHargeysa(Geeska)-Maxkamadda ciidamada milatariga ayaa shalay xukuno culus oo isugu jirta dil, xabsi daa’im iyo xadhig sannado ah ku riday 28 maxbuus oo ka mid ahaa kooxihii Salaasadii doraad weeraray ciidamada qaranka ee fadhiya wershadda kabista ee Koonfur bari Hargeysa.

Maxaabiistaas oo ay shalay maxkamadda milatarigu dhagaysatay dacwadooda oo socotay saacado badan ayaa waxa ay aakhirkii ku riday xukuno culus maxaabiistaas oo lagu qabtay dagaalkaas Salaasadii dhacay oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro war rasmi ah oo ay maxkamadu soo saartay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay maxkamadu Toddoba iyo toban (17) ka mid ah maxaabiistaas ay ku xukuntay dil, halka shan (5) ka mid ahna lagu xukumay xabsi daa’im , waxaanay maxkamadu dib ugu celisay xabsiga dhawr maxbuus oo dhaawac ah oo dhagaysiga dacwadooda dib loo dhigay, waxase la sheegay inay sii daysay saddex maxbuus oo iyagu ku dooday inaanay wax hub ah sidan islamarkaana ay ciidamada qaranku ka soo qabqabteen goobo ka baxsan goobta uu dagaalku ka dhacay. Raggan la xukumay ayaa la sheegay inay maxkamadda ka hor qirteen inay ku dagaalamayeen dhulkooda, waxaanay isugu jiraan dhallinyaro iyo rag waaweyn.

Dagaalkaas khamiistii dhacay oo si weyn u gilgilay magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu salka ku hayay muran dhul iyadoo dadka ciidamada weeraray ay ku doodayeen inay iyagu iska lahaayeend dhulkaas, halka ay dawladu sheegtay inaanay dadkaasi haysan sharci cad islamarkaana ay doodoodu tahay waxba kama jiraan.

Go’aankan maxkamadda oo ah mid culus, ayaan la garanayn saamaynta uu yeelan doono, waxase uu noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee ay maxkamada ciidamada qaranku ku qaado dad shacab ah.