Suladaan Xiiray Oo Shalay A Hadlay Isku Dhicii Ciidmada Qaranka Iyo Kooxdii Kale

1
818

xiiraycawHargaysa( Geeska )-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa ka hadlay iska hor imaadkii ciimadda iyo kooxdaa hubaysan ee shacabka ah ku dhex maray warshada Kabka ee magaaladda Hargaysa.

Suldaan Yuusuf Xiiray waxa uu daboolka ka qaaday mudo sadex bilood ah in ay ergada arintaas ay ku jireen, isla markaasna balantii ugu danbaysay ee xukuumadda ay la galeen ay dib uga dhacday maalintii ay ku balameen taasina ay keentay gacan ka hadalka ay kooxdan ku dhaqaaqday.

Waxa uu suldaanku arin khaldan iyo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka badheedhka ah ee ay ciidamadda qaranka lagu qaaday, waxaanu sheegay in uu hada  nabad  ugu baaqayo beeshooda, arinkaana miiska wada hadalka lagu dhamayn doono.

Waxa kale oo uu suldaan Yuusuf Xiiray, kawaramay qaabkii shaqaaqadaasu ku bilaabamatay, isaga oo ugu danbayntiina talooyin u soo jeediyay labada dhinacba.  Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Dhulkan badh kamid ah ayaa ay dawladii hore ee Riyaale siisay dad ay dhul ka qaaday, dabadeeto xeradii ciidannimo waa ay ka baxday, waxay isku badashay dhul, waana meel yar oo kooban oo meel weynba maaha, waxaanan ka galnay ergo mudo dheer oo sadex bilood ah, dawladan iyada oo cusub ayaanu u tagnay waxaanay nagu tidhi waan cusub nahay ee aanu eego, arintana mudo dheer ayaanu daba soconay. Balamo badan ayaa dhacay, markii ugu danbaysay xukuumaddu waxay qabatay balan ah in 20-casho gudahood laga war sugo, dabadeeto dadkii waxaanu ku nidhi labaatankaas suga, waxa balankii labaatanka casho ahaa soo dhex galay tagidii  uu Boorame ku tagay madaxweynuu, dadku waa dad iska reer miyi ah oo u arkaaya in wax looga jeedo, dabadeeto waxgarad,ganacsato,aqoonyahan iyo rag siyaasiyiina oo dawlada ku jirayba arinta waanu ku wadnay, arintii markay sidaas u dhacday, waxaanu ku nidhi balankii laba cashuu dib u dhacayaaye ayn u sugno.” Ayaa uu yidhi Suldaan Yuusuf Xiiray, waxaanu isaga oo hadalkiisa siwata uu yidhi “Anigu dawlada suldaanbaan u ahay, ciidanka qaranka suladaanbaan u ahay, shacabkana suldaanbaan u ahay, in waxu siday ahaayeen loo cadeeyana waa ay wanaagsan tahay, arintii oo halkaas taagan oo balankii uu laba casho dib u dhacay ayaanu u tagnay aniga iyo Cali Warancade, waxaanu ku nidhi waar balaayo labadaa casho ka badane labadaas casho ayanu sugno, waana nalugu diiday, kowdii habeenimana waanu ka nimi.” “Ninkaas raga dhintay kamidka ah ee Cabdi Xirsi Warsame ayaa tobadii iyo badhkii guriga nagu soo maray aniga iyo Cali Warancade, waxaanu nagu yidhi waar waakuwaas galaye, waxaan ku idhi Cabdaw xalaybay nadiideen, deedana intaan soo kacayay ayuu Cali u tagay oo dabaeedana hadana xamili waayay oo goobtii ayuu tagay, dabadeed qorka waqooyi ee dooxu maraayo ayuu ka booday, qolo ku jirtay dhinaca galbeed ayuu u tagay sidaan warka ku helay, waxaanu ku yidhi waar ka daaya, sidaas ayaanu ku dhintay oo waa labada nin ee dhintay mid kamid ah. Waxaana meesha ku dhintay ilmo yar iyo gabadh  iyaguna aan waxba galabsan oo seeraaradu ay ku dhacday.”

Ugu danbayntii waxa uu Suldaanku arin khaldan ku tilmaamay in ciidamadda qaranka rasaas lagu weeraro, waxaanu soo jeediyay talooyin “Inay ciidanka qaranka galaan ragaas isku abaabulay khaladbay ahayd, dadkanina waa kugu dhimay oo kaa dhimay. Waxaan leenahay nabadgalaydii waanu ku baaqnay, cid danbe oo is dhaqaajin kartaa ma jirto, waxii kale ee xaqa ee aynu sheeganaynona miiska wada hadalka ayaynu ku dhamaynaynaa.Dawladana waxaan u soo jeedinayaa dadkeeda iyo dalkeedan ay masuulka ka tahay haw dul qaadato arimahana xal haku daydo.”

Comments are closed.