Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Xafiis Ka Furtay Magaalada Washington DC. Ee Caasimada Dalka Maraykanka

0
636

Xaflad ballaadhan oo lagu daahfurayey xafiiskii ugu horreeyey ee urur siyaasadeedka XAQSOOR uu ku yeesho dalka Maraykanka ayaa lagu  qabtay magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaasna ay ka qayb galeen xubno metelayey dhammaan jaaliyadaha Somaliland ee dalka Maraykanku ayaa waxa hadallo ka jeediyey dadweyne badan oo ka mid ah taageerayaasha ururka iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu soo casuumay.

Ugu horreyn waxa shirka furay Xaaji Axmed Samatar (Indhocadde) oo ah odayga Jaaliyadda Somaliland ee Washington, DC metro area, isla markaasna ka mid ahaa Somaliland peace corps-kii ka qayb qalay Dagaalkii Labaad ee dunida. Xaaji Ahmed Indho Cadde waa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la taageero xisbiga XAQSOOR  iyo sida uu uga duwan yahay xisbiyada kale ee dalka ka jira iyo kalsoonida uu ka qabo maamulka sare ee xisbiga oo ah mid dalku u baahanyay.

Xaaji Axmed waxa uu u u deceeyey Xisbiga Xaqsoor oo uu u rajeeyey inuu guul ka soo hooyo doorashooyinka dowladaha hoose ee f