Sheekh Shariif Oo Bulshada Caalamka U Cadeeyay Midhaha Uu Ka Rabo Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya

2
501

Istanbul(Geeska)-Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa khudbad uu ka jeediyay xidhitaankii shirka Turkiga oo ay weftiga Somaliland fadhiyeen, wuxuu ku soo hadal qaaday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u bilaabmi doona, waxaanu bulshada caalamka u cadeeyay nataiijada uu ka rabo wada hadaladaas.

Sheekh Shariif, ayaa wuxuu khudbadaas jeediyay xidhitaankii shirka oo ku beegnayd Jimcihii, kaas oo ay si kedis ah weftiga Somaliland uga qayb galeen, iyagoo hore u sheegay inaanay ka qayb geli doonin qaybta siyaasadda ee shirkaas. “Talaabooyinka aanu u qaadnay dhinaca fulinta khariidadii nabadda waxa noo dheer in aanu sidoo kale idiin xaqiijinayno in xilligii ay wada hadalo dib u heshiisiin qaran ahi dhex mari lahaayeen waqooyiga iyo koonfurtu uu soo dhawaaday iyo in la dhammaystiray magacaabista ergooyinkii wada hadalada uga qayb geli lahaa labada dhinac, iyo in u diyaar garowgii lagama maarmaanka u ahaa wada xaajoodku uu bilowday, laguna wado inay wada hadaladu dhacaan wakhti aad u dhow inshaalah.” Ayuu yidhi Sheekh Shariif, waxaanu intaas raaciyay “In laysugu yimaado miiska wada hadalka si la isula meel dhigo khilaafaadka noo dhexeeya annaga iyo walaalahayga waqooyi ee ku andacooday goosasho dhinac keliya ah si ay wax waliba sidoodii caadiga ahayd ugu soo noqdaan dhibaatada qarankuna u dhammaato, oo xaaladda Somaliyana ay ku soo noqoto sideedii caadiga ahayd, iyada oo talada dalkuna ay gacanta ugu jirto dadka Somaliyed oo u dhaqma hab dimuqraadi ah oo hufan oo dhammaan si siman loogu tartamo.”

Hadalka Sheekh Shariif, ayaa wuxuu u muuqdaa inuu bulshada caalamka u cadaynayo nooca ay tahay natiijada uu ka rabo inay ka soo baxdo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Comments are closed.