Waa maxay sirta somaliland ku gaadhay guusha horumarka?

1
896

0-solomonWashington, (Geeska/ Financial Post)- “Hadii shirka Turkigu guuldaraysto waa u guul shacabka Soomaalida oo iska xoreynaya xidhmooyinka mucaawinooyinka dibedaha iyo riyada wadaniyada, haduu guulaystana waxa ka abuurmaya xukuumadii 15 ee hanaqaada.” Sidaa waxa yidhi Lawrence Solomon, oo ah agaasimaha hay’ada Baadhitaanka tamarta.

Maqaal dheer oo uu ku falanqeeyey midowgii Somaliland iyo Somaliya iyo shirka turkiga oo qoraaga Lawrence Solomon, oo ku daabacay jariidada Financial Post, ayaa lagu bilaabay “Si looga ilaaliyo Soomaaliya budhcad badeedka, argagaxisada, gaajada, musuqmaasuqa ayaa wakiilo ka socday 54 wadan, oo uu weheliyo xoghayahii guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ku kulmeen Jimcahii dalka Turkiga.

Sababta keentay mushkiladaha badan ee soomaaliya iyo dawadiisa xilligan way u muuqataa dhamaan inta ay khusayso, balse, cakiskeeda, wufuuda isugu yimi Turkiga, oo metelaya saddex qeybood qeyb wadamada aduunka ayaa ku talinaya siyaasado sii siyaadinaya halaagii ummada Soomaaliyeed ku jirtay.

Dalkan hagaasay ee Soomaaliya oo ku yaal geeska Afrika, waxuu dhashay sannadkii 1960kii, isagoo ay haysay jibadii shantii Soomaaliyeed inay ku gaadhaan culayska jaararkooda. Calankii shanta xidigood lahaa ee Soomaaliya waxuu u taagnaa fikirkaa. Labadii dhianac ee gumaystahu xukumi jiray Soomaaliya iyo Somaliland ayaa abuuray dalkii Soomaaliya. Lix bilood ka dib israacii labada shacbi, xurgufihii u dhexeeyey jaararkooda ayaa bilaabmay. Soomaaliya waxay weeraro ku qaaday Kenya iyo Itoobiya, halka aakhirkii dagaalo sokeeyey ka bilaabmeen Soomaaliya.

Ingiriiska iyo Talyaaniga geliyey xornimo-doonkii soomaalida doonista soomaali-weyn, ayaa fikir xaqiiqada ka fog uga shaqeeyey sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaliya iyo Somaliland, taasoo keentay dhiigii ku daatay isku deygoodi inay ku hantiyaan xudoodo jaararkoodu lahaayeen.

Dhinaca kale, fikirka Soomaali-weyn ayaan ahayn mid taariikhiyan iyo dhaqaniyan sharci ah, balse keliya ahaa fikir xiligii gumaystaha ka dib dhashay. Geeska Afrika waxa ku dhaqan shucuub kala qabiil ah, oo badi soo maray gacmahii gumaystyaasha/ maxmiyadihii Cusmaaniyiinta, Itoobiyaanka, iyo reer Yurub. Wakhti keliya ma jirto la sheegay in Soomaalidu mid ahayd, waxa keliya ee qabaa’ilkaasi ku midoobi jireen waa wada dhalashadooda.

Shacabka ku nool waqooyiga, ee xilli la odhan jiray maxmiyadii Ingiriiska (British Somaliland) ayaa ahaa dadkii ugu horeeyey ee dhadhamiya in fikirka Soomaali-weyn u horseeday mashaqo. Sannadkii 1991kii, waxay la soo noqdeen xornimadoodii, iyagoo diiday xukuumadii dhexe ee Soomalia, ayaa xukuumadihii carabta iyo Afrikaanka kale u aqbali waayeen aqoonsigooda iyagoo halis ka qabay shucuubahooda qaar goosasho dalbadaan, halka gumaystayaashii horena u diideen si aanay khaladkoodii hore u qiran. 

Sidaa iyadoo ah ayey haddana Somaliland horumar gaadhay, inkastoo xasuuqii ugu xumaa soo gaadhay caasimadooda. Sirta ku jirta horumarka Somaliland ayaa la odha karaa waa iyadoo Somaliland gaashaanka ku dhufatay aqbalaada mucaawinooyi dibadeed, isla markaana isku tashaday, oo abuurtay xasilooni iyo suuqa horta ah oo musuqmaasuq ka fayow, halka hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee ka haagay mucaawinooyinka dibedahu noqdeen wadanka ugu musuqmaasuqa badan aduunka. Wiigii hore baanka aduunka xisaabiyeyaashooda ayaa sheegay in saddexdii sannadood ee u danbeeyey lacago gaadhaya 170 milyan, xisaabceli ay sameeyeen 30 milyan keliya.

Si looga hortago in Soomaaliya sii kala go’do, oo saamayn karta shucuubta goosashada maskaxda ku haya ee wadamada kale ayaa dalalka ku kulmay Turkigu u ballanqaadeen abaalgudyo hadii ay ku sii jiraan midowga Puntland, ama Somaliland hadii ay soo laabtaan. Hadii shirka Turkigu guulaysto waxuu dhisayaa xukuumadii 15 ee guulaysata, hadii uu hagaasana shacabka soomaaliyeed ayaa guulaysanaya oo iska xoreynaya xidhmooyinka mucaawinooyinka dibedaha iyo riyada wadaniyada.

Comments are closed.