Urur-Diimeedka Takfiirka Iyo Hijrada: Taariikhdeeda, Fikirkeeda & Raadadkeeda Qaliinkii- Dr. Mustafa Kaydsane…{Q. 2aad)

0
950

2) Fikirkeeda iyo Mabaadi'deeda

Jamaacaddan fikirkeeda waxa rukun u ah laba shay oo kala ah;

– Gaalaysiinta cidii aan iyaga ahayn(???????)

– iska-soocida-bulshada maadaama ku xukumeen gaalnimo(??????).

Sidaa darteed ayaa loogu magac daray Jamaacadda-Takfiirka-iyo-Hijrada, in kastoo ay iyagu la baxeen magaca "????? ????????" Jamaacadda Musliimta.

1) Gaalaysiintooda Muslimiinta:

– waxay gaalaysiinayaan Muslim kasta oo aan iyaga raacin.

– sidii Khawaarijta ayey gaalaysiinayaan cidii ku dhacda Kabaa'irta( danbiyada waawayn).

– waxay gaalaysiinayaan Xukaamta an wax ku xukumin Kitaabka Alle.

– waxay iyana gaalaysiinayaan shacabka maadaama ay kaga raali yihiin Xukaamta( sida ay sheeganayaan).

–  sidoo kale Culimada waxay ku gaalaysiinayaan mar haddii aanay taageerin fikirkooda iyo ra'yigooda.

– waxay galaysiinayaan cid kasta oo ka xukum qaadata Ijmaaca ummadda; Ijmaacaasi haba ku yimaado Ijmaaca Saxaabada ama Qiyaas ama Maslaxad ama wax la wanaajistay.

– waxay rumaysanyihiin in wixii ka dambeeyey qarnigii 4aad ee Hijrigu ay ahaayeen casriyo gaalnimo iyo jaahiliyad ay maashaysay oo lagu waynaynayey sanamka taqliidka. Sababta oo ah iyaga agtooda haddalka Saxaabadu kama aha xujjo/daliil ee waa taqliid – Khulafadana ha ahaadee-  aan loo baahnayn.

– qofka iyaga kamid ah ee ka noqda fikirkooda waxa ay ku xukumayaan "Murtad", dhamaan bulshada kale iyagu xaydaankaba ugu ma jirin marka horeba.

2) Hijrada- iska soocida Bulshada:

Hijradu waa rukunka labaad ee uu ku taaganyahah fikirkoodu. Waxana looga jeedaa in gebi ahaanba laga go'o bulshada, maadama ay bulshada u arkaan bulsho Jaahili ah( gaalo ah).

Ka gooni noqoshada bulshada waxay u kala qaadayaan laba( dareen iyo goob). Taasoo waajib ka dhigaysa in ay nolol gaar ah ku noolaadaan, si ay u helaan nolol Islaami ah oo dhab ah(maadaama ay kaligood Islaam yihiin).

Waxanay ku noolaanayaan Cahdigii Makiga markii ay ay Muslimiintu taag daraayeen.

Tusaale: wixii ay bulshadu gawracdo ma cunayaan, maadaama ay u arkaan gaalo mushrikiin ah( oo xitaa Ahlu Kitaabka xukumkiisa agtooda ku lahayn). Gabadha aabaheed lama waydiisanayo, agtiisa ayaana lagu guursan karaa.

 Marxaladan uma banaana gacan ka hadal ama Jihaad, ee waxa Muslimiintooda loo diyaarinayaa marxalada Madiina ee dawladnimada iyo Jihaadka. Dhamaan xubahoodu waxay si dhab ah ugu daacad noqonayaan – Bayco ayey siinayaan – Amiirka Jamaacadda isagaana uga dhigan Amuurul-mu'miniin. Marxaladan waxay uga soocmayaan bulshada hab shucuuri ah.

3) Asaaska Caqiidadooda( sida lagu qeexay Kitaabka "?????? ?? ????? ????????" ee uu qoray C/raxman Abu-khayr oo mar dambe ka tegay jamaacadda) waxa kamid ah in:

1) ay yihiin Jamaacadda Islaamka ee Aakhiru Zamaanka, oo ay yihiin jamaacadda ku xigta Jamaacaddii Rasuulka(scw) ee dacwada Islaamka dhagax dhigtay.

2) Mahdigu in uu iyaga kasoo dhex bixi doono, sababtaa awgeed ayay Amiirkooda Shukri Mustafa u haysteen in uu ahaa Mahdigii la sugayey.

3) Faradhka ayey joojinayaan: Dhamaan masaajida in aanay ku banaanayn salaad Jimce iyo mid jamac midnaba( maadaama anay agtooda ka ahayn masaajido Alle  ka raali yahay).

4) Kaalinta Jamaacaddu in ay bilaabmi doonto marka aduunka uu ka dhaco dagaal aduunka oo dhami ku burburo, wakhtigaasi oo uu hubka waawayni ka dhamaan doono gacmaha dawladaha xooga leh( sida sawaariikhta qubula duriga).

5) Dhamaan madaxdooda waxay u qabaan in ay  gaadheen darajada Imaamnimada.

Marka kooxdan fikirkeeda la isku soo xooriyo waxay la mad'hab tahay oo ay wax badan la wadaagaan, gaar ahaan, dhanka wax gaalaysiinta Khawaariitii hore( Cagdigii Khaliif Cali 'RC').

Tixraac:

1) ??????? ?? ????? ???????? – ????????? ??? ?????

 

2) ??????: "??????? ?????? ?????? ??????? ???????"???? ?????()

3)??????? ?? ????? ?? ????? ???????? – ??????? ??????? – ???? ???? ???? ??? (?:111)

 

4) ???? "???????" ? ???? "????????" – ???? ?????(???? ????? ??????? ???????)

5) ?????? ?? ??????? ????????? ????????? – ?. ???? ?????

La soco qormada ugu dambeysa, inshalaah.