Somaliland: ‘Caawa I Daawada’ Cumar M. Faarax

0
876

Sacad Xarbi, ayaa sannado hor qoray faaqidaad kooban oo uu ciwaankeedu ahaa ‘Caawa i daawada.’ Waxa uu ku iftiimiyay in siyaasiyiinta bayd gaabka ahi ay warbaahinta la soo fadhiistaan ereyo turxaan leh ama bulshada kala geynaya, hase yeeshee qasdigoodu yahay waxaan ka fogeyn inay xisbigooda ama dawladda uu ka tirsan yahay madaxdeeda ku raali geliyaan. Si uu ugu kasbado ammaanta kuwa ay isku jaalka siyaasadeed yihiin ee mucaaridka ah ama muxaafidka ah.

Siyaasiyiinta layliga ahi, waxay wejigooda u diirayaan, si uu xisbi uga qabto masuuliyad ama dawladdu ugu magacowdo mansab. Waxa naqdiga karaamo seegga ah ay indhaha bulshada ku bataan xilliyada kala guurka ah ama la filayo in isku shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda ee doorashadu soo dhowdahay, sidan imika oo kale.

Waxaa wakhtiyadan, sida qaalibka ah korodha, siyaasi mucaarid ah oo si  aan munaasib ahayn uga aragti dhiibta mowduuc siyaasadeed, kaasi oo xisbigiisa iskugu sawiraya inuu beeshiisa dhexdeeda kaga awood badan yahay xubnaha ay isku jufada yihiin ee ku jira xukuumadda. Waxa kaloo badan mid xil hore oo dawladeed laga qaaday oo hanqalka la soo kaca oo xisbiyada mucaaridka ah ugu soo fadhiista gambadh gaaban oo sidduu doono run iyo beenba iskugu badhxa oo afka furta. 

Waa xilliga masuuliyiinta xukuumaddu aaminaan haddii aanay cambaareyn, kana jawaabin dooda siyaasiyiinta mucaaridka ah ee reerkiisa, in bustihiisa dibadda loo dhigayo. Waa goorta mucaaridka tarabuun la ciyaarka ahi uu isku waajibiyo inuu ka daba hadlo siyaasiga ay isku jilibka yihiin ee ku jira xukuumadda.

Ashkhaasta noocan u ceeshaa, waxay caado u leeyihiin inay la hadlaan dadka ay muddanka u arkaan ee danuhu kaga xidhan yihiin oo ay ku wargeliyaan: “Sidaan maanta MUCAARIDKII ama DAWLADDII ugu dhilay caawa daawada, waxba ulama hadhin.” 

Waxa foolxumadan dhiirrigeliyay , xisbi mucaarid ah oo ay ka suurtagashay inay bilad ku tolaan kaadir indho-adag, ama xukuumadda oo xil aanu masuuliyadiisa xambaari karin u dhiibta shakhsi dawladnimadaba u yaqaan meel laga shaqeysto oo laga soo faroqabsado.
Waxase jira dad badan oo mustaqbal dhalaalaya leh oo ku jira xisbiyada ama xukuumadda oo marka ay hadlayaan aan carabka la dhicin magacyo ashkhaaseed ee dhaliila ama bogaadiya Siyaasad ama go'aan xisbi ama xukuumadeedba.