Ankara (Geeska)- “Haddii ummad umadaha ka mid ahi ay illowdo diinteeda, waxaa xukunkeedu uu u gacan gala ummado kale, haddii ay xaddaaradi illowdo ilaha ay ku arooraysay iyo halka ay ka soo curatayna waxa ay maxbuus u noqotaa xadaarado kale” Ereyadaas xikmadda badani waxa ay ka mid ahaayeen khudbad aad u qiimo badan oo uu jeediyey raysalwasaaraha dalka Turkiga mar uu galabnimadii jimcaha ee toddobaadkii dhowaa ka qayb galay kulan afur-wadareed ah oo magaaada Istanbul ku samaysay jimciyad ay leeyihiin ardayda ka qalin jabisay dugsiyada sare ee lagu diyaariyo Imaamyada iyo culimada.
Raysalwasaare Erdogan waxa kale oo uu khudbaddiisaa kaga sheekeeyey taariikhda ay soo mareen dugsiyada noocan ah ee lagu tababaro culimada loogu talagalay in ay tukiyaan isla markaana khudbadaha jimcaha masaajidda ka akhriyaan, kuwaas oo la bilaabay markii uu raysalwasaare Erdogan talada qabtay, laakiin bilowgii la kulmay mucaaradad aad u badan maadaama oo dalkaas ay muddo dheer taladiisa gacanta ku hayeen ciidamada iyo xisbiyada kale ee dalkaas oo dhammaantood ku shaqaynayey nidaam Calmaani ah (Kala saaridda diinta iyo dowladda). Isaga oo ka hadlaya muhiimadda uu siinayo dugsiyaddanna waxa uu yidhi, “Dhammaan dugsiyada culimada iyo imaamyada khudbaduhu meel muhiim ah ayaa ay ku leeyihiin qalbigayga iyo caqligaygaba. Waana sababta igu kalliftay in afartayda wiilba aan dugsiyadan ku daro, dhammaantoodna halkan ayaa ay ka qalin jabiyeen” raysalwasaare Erdogan isaga oo ka waramaya sida ay ku timid fikradda dugsiyadan sare ee culimada soo saara iyo hab-dhaqankii ay mareen dowladihii isaga ka horreeyey waxa uu yidhi, “Waxa ay ku yimaaddeen baahi bulsho oo jirtay, waxa uu dalku soo maray waqti ay aad u kala fogaadeen shacabka iyo dowladda, taas ayaa keentay baahida bulshadu u qabto dugsiyo qaada masuuliyadda ah in dhalinyarada la baro qiyamka wadaniga ah iyo ka macnawiga ah labadaba” isaga oo ka sii waramaya dowladihii horana waxa uu intaas ku sii daray, “Waxa ay ku dadaali jireen in ay sameeyaan muwaadin leh qaabka iyaga u cuntama, halkii ay ka ahayd in ay dowladdu iyadu isla beddesho hadba qaabka ay muwaadiniinteedu yihiin. Markaasay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarintu u hawlgashay in ay curiso carruur ku dhisan afkaar gaar ah si ay u noqdaan qalbi keliya oo fikirkooda uun xambaarsan”
Sida ku cad warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu oo dalka Turkiga laga leeyahay, waxa uu raysalwasaare Erdogan intaas ku sii daray, “Ujeedada dadaalkaas oo dhan ka dambaysayna waxa ay ahayd in dhalinyarada iyo carruurta laga tirtiro taariikhdoodii hiddaha iyo dhaqanka ahayd ee ay awoowyadooda ka soo gaadheen iyo dhammaan qiyamkoodii macnawiga ahaa iyo kii diiniga ahaaba” Md. Erdogan oo ka waramaya dhibta ka dhalan karta dadaal kasta oo noocaas uu ka soo waramay ah ayaa yidhi, “Dadaalladaasi (Qaldani) waa khatarta ugu weyn ee ku dhici karta ummadda iyo xadaaraddeeda, aakhirkana ku keena dib u noqosho iyo burbur, waayo haddii ay ummaddi ka goosato taariikhdeeda, asalkeeda, ruuxdeeda iyo hiddaha awoowyadeed, macnaheedu waa in ummaddaasi gebi ahaanteedba burburayso, sidoo kale macnaheedu waa in ummaddaasi ay noqonayso ummad gacmo ku samays ah oo aan dhab ahayn una adeegaysa ujeedooyin kale” Raysalwasaare Erdogan waxa uu khudbaddiisaa ku sheegay sababta ummado badan oo hore taariikhda uga tirtirmeen ee inta ay burbureen xataa in ay jiri jireen la illaaway, “Sababtu waxa ay ahayd iyaga oo ka goostay xididkoodii asalka ahaa, hiddahoodii iyo taariikhdoodii, laakiin sababtu ma’ay ahayn in la qabsaday oo la xasuuqay iyo in aalado kale lagu dilay” Erdogan oo ka waramayey khasaaraha ay gaysteen kooxahaas doonayey in ay nidaamka waxbarasho ka dhigaan mid soo saaraya qof ah ka ay iyagu doonayaan ayaa yidhi, “Waxa ay illaa xad ku guulaysteen ujeedadoodii. Dadkeennii aqoonyahanka ahaa ee haystay shahaadada ugu sarraysa heerka jaamacadda ee Doctorate iyo kuwii ka soo baxay tacliinta sare ayaan haddana awoodi karin in ay akhriyaan kutubta gacanta ku qoran iyo aataarta ka buuxda maktabadaheenna oo wax u dhigma aan dunida laga helayn… suurtogal ma’aha in jiil dhan oo iskaga dheeraaday taariikhdiisii iyo hiddihiisii iyo kutubtiisii in uu haddana nolosha sii wato oo uu sii noolaado, waxa aanu maanta u halgamaynaa sidii aanu arrintaas uga adkaan lahayn, taasina waxa ay marag u tahay culayska waajibaadka dusha u saaran culimada ka soo qalin-jabiyey dugsiyada culimada lagu diyaariyo”