Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo uga cudur daartay xilka badhasaabka gobalka Maroodi-jeex oo loo magacaabay, ayaa sheegay in sababta uu xilkaas u qaadan waayay tahay qawad ay beeshiisa gobalka Hawd ka muujisay xilkaas.
Mr. Tiimbaro, oo ah siyaasi olole badan, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu faahfaahiyay sababta uu xilka u qaadan waayay, isagoo madaxweyne Siilaanyo uga mahadceliyay go’aanka uu ku magacaabay iyo go’aanka uu markan dambe kaga aqbalay is casilaadda, waxaanu yidhi “Iyadoon la igala tashan oon wax la iga weydiin ayaa la I magacaabay, madaxweynuhu aqbalaada wuu ku mahadsanyahay, waanan la sii shaqaynayaa, marka horeba anigu xisbiga ayaan u shaqaynaynay, imikana waan sii wadayaa oo shaqadaydii waxba ka dhimi maayo.” ayuu yidhi Mr. Tiimbaro, waxaanu isagoo ka hadlaya inuu isagu kursiga qawaday, uu yidhi “Qawad igamay ahayn ee masiir reer ayaa meesha ku jiray, kaas ayaana dhibaatada keenay, aniga xagayga wax ka yimid may ahayn, reerka ayaa mid ka weyn sugayay, reerkana tixgelintiisa laga maarmi maayo waayo anigu shakhsi ayaan noqonayaa.”
Wuxuu sheegay inaanu xil dambe ka qabanayn xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Imika maya [xil ka qaban maayo]. Imika uma jeedo in aniga shakhsi ahaan wax la ii magacaabo, laakiin in masiirkii reerka ood moodo in xukuumadda gebi ahaanba laga tirtirtay in talaabo laga qaado ayuun baan u jeedaa, laakiin in aniga wax la ii magacaabo oon boos doon ahay maaha.”
Wuxuu sheegay in taageerada xisbiga KULMIYE ee gobalka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax uu isbedel balaadhani ku iman doono haddii aanay xukuumadu ka noqon talaabooyinkan, waxaanu yidhi “Haddii ay xukuumadu noocan ay u dhaqamayso u sii dhaqanto haa qasab ayay noqonaysaa, laakiin anagu mar walba dedaalkii aanu KULMIYE ugu jirnay waxba ka dhimi mayo.”
Wuxuu meesha ka saaray inaanu marna ka bixi doonin xisbiga KULMIYE, isagoo xusay inaanu jirin kursi wasiir oo ay madaxweynaha isku ogaayeen, “Lagama yaabo, inaan ka baxo daayee inaan hawshaydii wax ka dhimo lagama yaabo. Waa madaxweynahaygii Siilaanyo, aniga wax balan ah oonu ku lahayn oo ahayd wasiir ii magacow may jirin, laakiin maadaama oo wasiirkii beeshu meesha ka baxay ayay beeshu u baahnayd in booskeedii cid la siiyo aanay ahayn ee iyada loo soo celiyo, laakiin wax aniga xagayga aanu madaxweynaha isku ogayn oo boos booskan ka weyn aan ka filayay waxba kama jiraan.”