“Madaxweynihii Oo Talada Laga Maroorsaday Meesha Way Ka Muuqataa, Madaxtooyadiina Qas Ayaa Ka Dhex Jira”Prof Ismaaciil Buubaa

0
442

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa), oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo taladii laga maroorsaday oo ay madaxtooyadii qasantahay.

1

Prof. Buubaa, oo shalay saxaafadu wax ka weydiisay sida uu u arko isku shaandhayntii u dambaysay ee madaxweynuhu sameeyay ayaa yidhi  "Walahi isku shaandheyn maan arkayn ee waxaan arkaayey wax la isku dhex walaaqay oo si wanaagsan u shaqeyn la’ waxaanad mooda sida madaxtooyada loo maamulayaa in aanay ahayn sidii danta umadu ku dhex jirtay , waxaana jirta in dad la magacaabey dadkiina leeyihiin sidee lanoo magacaaba anaga oo aanan warba ka heynin " ayuu yidhi Buubaa.

Isagoo ka hadlaya astaamaha madaxtooyadii ka muuqata wuxuu yidhi “Waxa ka muuqata in madaxtooyadii uu qas ku dhex jiro oo dhibaatooyinka wadanka haysta aan u babac dhigi karayn oo loo baahanyahay isbedel madaxtooyo oo dalka ku filan oo  wixii wadanku u baahanyahay si wanaagsan u darsi karta.”

Dhinca kale Prof Buubaa waxaa uu sheegay in taladii dalku aanay gacanta ugu jirin madaxweyne Siilanyo isla markana dad gaar ahi ka maroorsadeen "Madaxweynihii oo talada laga maroorsadey meesha way ka muuqataa waxaanad moodaa dad waxyaabo badan aan ka fiirsanin in ay ka maroorsadeen" ayuu yidhi Prof Ismaciil Hurre Buubaa

Ugu dambayn wuxuu sheegay in dalku u baahanyahay isbedel madaxtooyado iyo xisbi oo u babac dhigi kara dhibaatooyinka kala duwan ee dalka ka taagan.