“Ujeedada Soomaaliya Waa Sidii Ay Inoo Go’doomin Lahaayeen, Oo Cuno Qabatayn Inoo Saari Lahaayeen, Shaqo Kalena Ma Leh, Laakiin Ku Guulaysan Maayaan”

0
1150

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay doonayso  inay go’doomiso Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay ku guulaysan doonin.

Wasiir Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay eeddo ay xildhibaano golaha wakiilada ka tirsani dhawaan u jeediyeen, waxaanu sheegay inaanay nidaam ahaan wanaagsanayn in masuuliyiinta dawladu hawada isu mariyaan eeddo, laakiin ay ku wada xidhiidhaan nidaam dawladnimo.

Wasiir Sacad oo ugu horayn ka hadlaya arrimaha xajka wuxuu yidhi “Sida aan warka ku hayo waxba iskamay bedelin xajkii,Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaana inoo qaabilsan,markaas wax la inaga joojiyey ma jirto”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Inaga ayaa Somaliya la midoownay,inaga ayaana dib ugula soo laabanay xoriyadeenii si shuruud la’aan cadaadis iyo dulmi badan oo la inagu hayey dartood,hagardaama ay Somaliya inagu haysaana maaha wax cusub ee waa joogto haddii ay noqoto hagardaamo dhaqaale,hagardaamo siyaasadeed iyo hagardaamo farsamaba,ujeedaduna waa sidii ay inoo godoomin lahaayeen,oo cuno qabatayn inoo saari lahaayeen,shaqo kalena ma leh,laakiin ku guulaysan maayan,sababtoo ah Somaliland xaq bay ku taagan tahay,xaqaana guulaysta”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay in isbedel ku yimid   xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka ayaa ku jawaabay “In Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamku sii hagaago mooye,wax is bedela oo dib u dhaca oo ku yimid ma jirto,waxaana Beesha Caalamka ugu baaqayaa in xaqa aanu u leenahay aqoonsiga inay na siiyaan,Somaliya kama mid nihin,kamana mid noqon doono,laba dal oo jaara ayaanu nahay Caalamkuna uu ka war qabaa,waxaanu qabsanay iyo horumarkaynu gaadhnay Caalamku uu ka dharagsan yahay ee Ictiraafkaas aanu uga fadhino Caalamka waanu ka filaynaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay haddii Somaliya ku adkaysato inay kaligeed maamusho Maamulka Hawada mawqifka Somaliland, wuxuu ku jawaabay “Wixii lagu heshiiyey haddii la hirgelin waayo,wixii laga maarmi waayo ayaanu yeeli doonaa,waana laga taashan doonaa,hawadeenana in cid aan inaga ahayni maamusho ogolaan mayno”,

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay eeddo ay u soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada ayaa yidhi “Anigu Xildhibaanada kalama yoo-yooltamayo Saxaafadda labadaba  xil baa saaran,oo xil qaran baa saaran,muwafin kasta oo reer Somaliland xil baa saaran,mana wacna in Saxaafadda la iskugu jawaabo,ee si nidaam iyo baratakool leh in la isku baraarujiyo ayaa haboon.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here