Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabanaya, Xilli Xisbiga Ucid Ka Shakisan Yahay In La Xidho

0
1203

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa inuu maanta dalka dib ugu soo laabto kadib markii uu ka qaybgalay shirkii Brussels ee Somaliya loo qabtay.

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa waxa uu qaban qaabinayaa in si diiran loo soo dhaweeyo hogaamiyahooda, waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland qaadacday oo loo qabtay Somaliya.

Xoghayaha xidhidhka gobalada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahim Salaf oo la hadlay Hadhwanaag ayaa sheegay in ay qabaan shakiga ah in la xidhaayo guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal CalIi Waraabe, isla markaasna ay diyaariyeen qorshii ay kaga jawaabi lahaayeen xadhigaas, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi“Guddoomiyahu bari ayuu dalka ku soo laabanayaa (maanta), hadalkaas aad sheegtay ee ah in la xidhayana waanu maqlaynay oo nux nuxdiisu magaaladay ku jirtaa, run iyo beenba waanu u qaadan karnaa hadii ay run tahay oo uu ugu talo galay in Muuse Biixi uu xidho Faysal Cali Waraabe,  qorshii aanu kaga jawaabi lahayn waanu haynaa, hadii ay been noqotana qorshaheeda waanu haynaa, cid guddoomiyaha xisbiga xidhi kartaana ma jirto, Eng. Faysal Cali Waraabe waa nin Muuse Biixi kaga saamayn badan Somaliland isaga oo  madaxweynaha qaranka ah.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here