Uhuru Kenyatta Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Madaxweynaha Cusub Ee Kenya

0
612

 

1Nayrobi(Geeska)-Natiijooyinkii u dambeeyay ee shalay ilaa xalay ka soo baxayay doorashada Kenya, ayaa tilmaamaya in siyaasiga da’da yar ee Uhuru Kenyatta uu si weyn uga horeeyo ninka uu la tartamayay ee Raila Odinga.

40% natiijooyinka la arkay, waxay muujinayaan inuu Mr. Uhuru Kenyatta helay 53%, halka uu Raila Odionga helay 42%. Laakiin madaxa ololaha doorashada ee Raila Odinga, ayaa sheegay in goobaha ay weli tirintoodu socoto uu Mr. Raila ka heli doono codadka ugu badan. Laakiin dad badan ayaa aaminsan inaanay taasi suurtogal ahayn.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Mr. Axmed Isaaq Xasan, ayaa sheegay in codad tiro badan la tirtiray ka dib markii la arkay khaladaad ku jira, waxaanu shacabka Kenya ka codsaday inay u samraan oo ay sugaan wakhtiga natiijada doorashada lagu dhawaaqyo.

Haddii uu sidaas ku guulaysto Mr. Uhuru Kenyatta, wuxuu noqonayaa madaxweyne waajihi doona dambi ka dhan ah xuquuqal insaanka oo kaga socda maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah, taas oo la xidhiidha rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007 qabsoontay.

Shacabka Kenya ka sokow, waxa natiijada doorashada u dheg taagaya dalalka jaarka la ah Kenya iyo kuwa reer galbeedka.