Guddoomiye Cirro Oo Ka Digay Muddo Kordhin, Kuna Baaqay Diiwaangelin

0
548

 

Picture2Burco(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku baaqay in dalka laga hirgeliyo diiwaagelin ka hor inta aan la gaadhin doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasibad ay ku midoobayeen garab ka tirsan Urur Siyaasaddeedkii hadhay ee Rays iyo xisbiga Waddani oo shalay lagu qabtay magaalada Burco, waxa uu ugu baaqay cid kasta oo masuuliyadi ka saaran tahay arrinta diiwaangelintu inay u diyaar garoobaan.

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inaanay diyaar u yihiin xisbi ahaan haddii doorashooyinka qaarkood la mideeyo, isla markaana waxa uu tilmaamay inaanay ogolaan doonin dibu-dhac ama muddo kordhin lagu sameeyo doorashooyinka dalka. “Waxa kale oo aan sheegayaa waxaynu aasaasnay in nidaam dimuqraadi ah aynu ku kala badino waxaa inoo qorshaysnaa in doorashooyin la qabto  kuwii baarlamanka,Doorashadii Guurtida tii madaxwaynaha,laakiin intaba waxa ku xidhan in la qabto oo la sameeyo intaan doorasho la qaban diiwaan galin,diiwaangalintaasi waa tii codbixiyayaasha,waxaan u soo jeedinaynaa cidii gacanta ku haysay haday tahay komishan iyo haday tahay Xukuumad ba inaaney  berito ina soo galin oo aan la odhan diiwaan galin lama samayn ee waa la kordhinayaa ,waxaanu leenahay in ku filan baynu haysanaa laba sano iyo badh weeyaan saddex diiwaan galimood baana intaas la samayn karaa,markaa diiwaan galintaas ha la bilaabo ,haddii doorashooyinka  qaar laysku darayo talada qaranku ka yeesho ayaanu tageeraynaa,laakiin doorashada madaxwaynaa waxaanu leenahay wakhtigeedii ha dhacdo yaan maalin lagu darin " Sidaasi ayuu Ciro yidhi waxaanu intaasi ku daray  " Shirarka Soomaaliya iyo Somaliland xisbi ahaan waxaanu qabnaa in wixii shirar aha ee Soomaliaya iska leedahay in iyaga loo daayo,wixii Somaliland iyo Soomaliya ka dhexeyana haday tahay wada hadalkii shirkii hore  bilaabmay waynu ka qayb gali karaa ,laakiin waa inay u cadaataa shacabka wakhtiga la qabanayo iyo shirarkaba.ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Munaasibadan oo a ka qaybgaleen odayaal, salaadiin iyo waxgarad iyo xubnaha urur siyaasaddeedka Rays ee ku biiray xisbiga Waddani, iyagoo hadalo ka jeediyay munaasibadaas. Waxaana ka mid ahaa hadaladoodii. “Halkan Waxaan ka cadaynayaa anagoo ah garab ka mid ah Ururkii Rays in awoodayadii iyo cududayadii taageero iyo dhaqaalahayagiiba intaba aan kula birnay xisbiga wadani lana garab istaagi doono waxaana cadaynayaa inaanu nahay dad daacad ah oo aan soo doonan wax dhaqaale ah balse mabda’ooda iyo kalsoonidooda ku taageeray xisbiga wadani oo ah xisbi Mucaarid ah taasi oo maantana taageeryashan ku biiray ay miyi magaalaba cududooda siin doonaan.”

Dhinaca kale masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee xafaladan ka hadlay waxa ka mid ahaa  Cali Waran Cade, Maxamed Cabdilaahi Uur Cade, Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Wadani Faarax Maxamed iyo masuuliyiin kale oo tira badan dhamaantoodna waxa ay soo dhaweeyeen garabka ku soo biiray oo ay tilmaameen inuu sii xoojin doono awooddii uu xisbigani guud ahaanba ku lahaa dalka.