Ugaaska Guud Ee Beesha Arab Oo Arbacada Hargeysa Lagu Caleemo saarayo

0
753

9Hargaysa(Geeska):-Ugaaska Guud ee beesha Arab Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), ayaa Maalinta Arbacadda ee taariikhdu tahay 6/11/2013 waxa Caleemo-saarkiisa Lagu qabanayaa hotelka Ambassador ee Caasimadda Hargaysa.

Ugaaska Guud ee beesha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), ayaa Caleemo-saarkiisa waxa hareero taagan, isla markaana isku raacsan oo si mugle uga midaysan dhammaan-ba Beelaha Arab, kuwaasoo si diiran u soo dhaweeyey.

Ugaaska Guud ee beesha Arab  Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), oo hadii Illaahay Idmo Maalinta Arbacadda ee toddobaadkan dhammaadkiisa lagu qaban-doono Caasimadda Hargaysa., ayaa ah  shaqsiyad leh Daacadnimo, hawl-kar ah, isla markaana ah Shaqsi aqoon durugsan u leh arrimaha dhaqanka iyo Diinta, waxaanu mudo dheer ku maqnaa dalka dibadiisa,
waxaana Caleemo-saarkiisa ka soo qayb-geli doona Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Masuuliyiin ka socota Xukuumadda iyo bahda
Madax-dhaqmeedka reer Somaliland oo kaalinta ugu muhiimsan qaadan doona.

Haddaba, wixii faah-faahin iyo tafaasiil dheeraada ee aad u baahataan waxaad kala xidhiidhi kartaa Guddida Qaban-qaabada Ugaaska Guud ee beesha Arab.

Guddoomiyaha Xidhiidhka iyo Protocolka Cali Xasan Cawaalle

Tell:-0634241051
Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada

Maxamuud Xaashi Xasan

Tell:-0634777915