Ambalaas Kastamka Lowyacado Ugu Xaniban Warqad Cashuur Dhaaf

25
652

Saylac (Geeska) – Badhasaabka Gobolka Selel Cabdilaahi Faarax Maydhane, ayaa ka hadlay gaadhi Ambulance ah oo muddo laba maalmood ah warqad cashuur dhaaf ugu xaniban kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Lowyacado.

Gaadhigan Ambilaaska ah oo sii iibintiisa ay iska kaashadeen jaaliyadaha beesha Ciise ee dalalka dibadda, ayaa loo waday Cisbitaal isla jaaliyada Ciise ka hirgaliyeen degmada Xariirad ee gobolka Selel, balse muddo laba maalmood ah ayuu ku xaniban yahay Kastamka Lowyacado.

Badhasaabka Gobolka Selel Cabdilaahi Faarax Maydhane  oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyay sababta Kastamku u haysto gaadhiga ayaa ku jawaabay “Wasaaradda Maaliyaddu gaadhigan Ambilaaska ah waxay cashuur dhaafka u samaysay lix bilood hortood, laakiin In Warqada Cashuur dhaafka loo soo bedalo ayuu Lowyacado u joogaa, waayo gaadhigii Jaaliyadda Ciise ee dibaddu soo iibisay ayaa gaabtay oo aan marin Karin Dixda, waxayna noogu soo bedaleen Ambilaas kale oo ka dheer, markaa cid naga haysta baabuurkaasi ma jiro”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in sababta kastamku gaadhigaa u haystaa ay tahay bedalaada lagu sameeyay gaadhiga, ka dib markii gaadhigii hore cashuur dhaafka loogu sameeyay uu gaabtay.

Badhasaabka Gobolka Selel, waxa kale oo uu ka hadlay dad uu sheegay inay arrinkan siyaasadaynayaan “Sidaasi waa Siday doonayaan, waxaan leeyahay Yaan la dhageysan, Madaxdana waala eedayaa, dadkana yaan been loo sheegin”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya Cisbitaalka Xariirad laga hirgaliyey ee Ambulance loo wado “Cisbitaalka waxa soo dhisay  Jaaliyadda beesha Ciise ee dibadda, waxaanu lagu dhisay adduun dhan $ 150.000, waxaanu ka kooban yahay saddex waadh oo midkiiba qiyaas ahaan qaadayo 30 sariirood, 4 qol oo kuwa bukaan socodka ah iyo hoolkii shirarka”

Badhasaabku, waxa kale oo uu sheegay in gaadhigan Ambilaaska ahi uu sido qalab badan oo cisbitaalka lagaga shaqeyn doono.

Comments are closed.